Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Somaliland waxa ay dalka Masar ugu baaqaysaa in ay ixtiraanto madax banaanida Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ganafka ku dhufatay hadal ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Masar oo uu kaga soo horjeeddo heshiiska is-fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka masar oo ay shir jaraa’id si wadajir ah u qabteen dhigiisa dalka Turkiga. Waxaanay caddaynaysaa in hadalladaasi oo khuseeyay arrimaha heshiiska is-fahan ay yihiin qaar aan sax ahayn, oo marin-habaabin ah isla markaana aan xushmaynayn xuquuqda madaxbannnaanida ee Somaliland.

Dawladda Somaliland waxa ay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay inuu fulo heshiiska is fahan. hehsiiskaas waxa uu ka tarjumayaa danaha ay wadaagaan iyo is qadarinta u dhexaysa labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, waxana ay Somaliland u aragtaa inuu tiir dhexaad u yahay xasilloonida gobolka iyo iskaashi dhaqaale oo hor leh.

Waxa lama huraan ah in la caddeeyo in Somaliland aanay ahayn waligeedna aanay noqon qayb ka mid ah maamulka Muqdisho. Waana dal madaxbannaan oo leh taariikh qani ah , dhaqan iyo hay’ado Dimuqraadi ah.

Shacabka Somaliland waxa ay adeegsadeen xaqa ay u leeyihiin aayo-ka-tashigooda waxyana xorriyaddooda la soo noqdeen 18 May 1991, iyaga oo seeska u dhigay Jamhuuriyadda Somaliland oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa dawladda Masar inay ixtiraamto madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu xasuusinaynnaa dawladda Masar inay tamarteeda iyo dedaalladeeda diblomaasiyadeed ay ku jihayso dalalka ay xuduudaha wadaagaan ee dhibaatooyinku ka taagan yihiin sida Liibya, Suudan, Falastiin iyo Lubnaan.

Gabagabadii waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda, “Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland wax ka go’an in ay sii wadaan jidka ay ku raadinayaan aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho caalamka, kamana hor istaagi karaan sheegashooyin aan waxba ka jirin iyo fargelin lagu sameeyo arrimeheeda gudaha.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this