Xaq Posted October 29, 2009 Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug oo ka socda Magaalada Gaalkacyo http://www.hiiraan.com/news/2009/Oct/wararka_maanta29-7885.htm Khamiis, October 29, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ee Waqooyiga iyo Koofur Magaaladaas ka kala taliya. Dagaalkan oo ka socda Xaafadda Godka Cusbada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sida la sheegay ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda Hoose ee Puntland iyo Maleeshiyooyin dhinaca Gal-Mudug ka soo jeeda oo ka carooday howlo lagu burburinayay sandaqado iyo guryo si sharci darro ah looga dhisay waddooyin ay gaadiidka iyo dadka maraan oo bartamaha Magaalada marta, wuxuuna kaddib dagaalka u sii gudbnay in ay ciidamada labada maamul dagaalka si buuxda u soo galaan, dagaalkana uu sii xoogeysto. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aan yareyn oo labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in uu dagaalkan geystay, hayeeshee ma jirto in cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dagaalka ku dhimatay ama ku dhaawacantay, waxaana taas ugu wacan iyadoo weli uu dagaalka socdo. Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul ay dhinaca Warbaahinta isu marsiinayeen eedeymo iyo hadallo lid isku ah oo ku saabsan in uu dhinacba kan kale ku eedeynayay in uu ku soo gardarrooday. Wixii ku soo kordha dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo kala soco halkan haddii Alle idmo Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online http://www.hiiraan.com/news/2009/Oct/wararka_maanta29-7885.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites