Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Gurmadka Musiibadii Liido oo Bulshada Ugu Baaqay Iney Gurmadka Ka Qeybqaataan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran ee qarixii xeebta Liido ayaa shacabka Soomaaliyeed markale ugu baaqay in ay ka qeyb-qaataan gurmadka shacabkii waxyeellada ka soo gaartay qarixii Liido, islamarkaana kaalin weyn ka geystaan baxnaanada dhaawacyada musiibadadaas ku waxyeeloobay.

Kulankaan waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ahna Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana qeyb ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, Ganacsato, Ururka Haweenka Qaranka iyo Culumada Soomaaliyed.

Guddigaan ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeybtooda ka qataan gurmadka loo sameynaayo shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Liido, waxaana guddiga uu u mahadceliyay Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo horay lacag Nus Milyan dollar ah ugu deeqay ehelada dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this