Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland ee Ku Sugan Buulo Xaaji oo La Gaarsiiyay Deeq Ka Timid Bulshada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Talyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa Odayaasha Dhaqanka mid kamida Beelaha dega deegaanada Jubbaland kala wareegay deeq ay kula talo galeen Ciidamada dagaalka kula jira kooxda Alshabaab.

Deeqdan oo isugu jirta 20-Neef oo Geel ah, 50 Ari ah iyo 20,000$ oo dollar ayay odayaashu u qorsheeyeen inay ku garab istaagaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee dagaalka adag kala horjeeda kooxda Alshabaab, kuwas oo dhowaan deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole iska hor imaad xooggan kula galay xubno ka tirsan kooxda.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa xilligaas la sheegay inay ugu yaraan 100 dagaalame ka dileen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Harboole oo hoostaga degmada Afmadow.

Goobjoog.com

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this