Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Lagu Soo Dhoweeyay Xarunta Ergada Joogtada ah ee Magaalada Jidah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Jidah ee dalka boqortooyada Sacuudiga ah, ahna xarunta ururka iskaashiga islaamka ayaa booqday xarunta ergada joogta ah iyo qunsuliyadda guud ee Soomaaliya.

Wasiirka oo kulan la yeeshay ergada iyo diblumaasiyiinta qunsuliyadda ayaa ka dhageystay warbixin ku aaddan xariirka ay la leeyihiin Ergooyinka dhiggooda ah iyo madaxda ururka iskaashiga islaamka ee OIC, ayadoo ay masuuliyiintu faahfaahin dheeraad ah ka siiyeen amuurtaas.

Kulanku markuu soo gabangaboobay ka dib Ergeyga ergada joogta ah u Soomaaliya u fadhisa magaalada Jidah Dr Cabdulqaadir Macallin Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ergada dowladda Soomaaliya ku matasha ururka iskaashiga islaamku ay ku shaqayso istiraatiijiyadda xukuumadda ee ku jahaysan dalalka islaamka.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Sacuudiga u tagey ka qeyb-galka shirka 9-aad ee ururka iskaashiga islaamka, kaas oo diiradda lagu saaray musiibada ka jirta marinka Qasa, iyo xiisadda gobolkq bariga dhexe .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this