General Duke Posted January 12, 2007 12-July 2006, khilaaf xoog leh ayaa soo kala dhex galay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan iyo ganacsatada A/QASIN's...., kaasoo ka dhashay saami qeybsiga Dekedda Muqdisho, iyadoo Xaaji Abuukar dalbaday in 35% dhaqaalaha Dekedda laga helo isaga la siiyo, halka C/qaadir Eenow oo ay saami wadaag ku ahaayeen Dekedda Ceel Macaan isna laga siinayo 15% haddii kale aanu Dekedda Ceel Macaan xireynin, waxaase Xaaji Abuukar lagu qanciyay in lacagta ka soo xaroota muddo Lix bilood ah isaga la siiyo, iyadoo ugu dambeyntii ay socon weyday kadib markii laga baqay in awood ka xoog badan Maxkamadaha meesha ka bixiso, waxaana la isku raacay in saddex meelood loo qeybsado dhaqaalaha ka soo baxa Dekedda, iyadoo Xaaji Abuukar uu wakiil u ahaa wiilkiisa C/qaadir Abuukar Cumar madaxa dhaqaalaha ee Maxkamadaha, halka Ganacsatada beesha.... uu wakiil u ahaa Xuseen Goley, iyadoo Axmed-Nuur Cali Jimcaale Guddoomiyaha shirkadda Hormuud-na uu wakiil u ahaa walaalkii Cumar Cali Jimcaale, saddexdaas xubnood ayaana qeybsan jiray dhaqaalaha ka soo baxa Dekedda iyo garoonka diyaaradaha iyagoo ahaa maal geliyeyaashii dagaalkii magaalada Muqdisho looga saaray hoggaamiyeyaashii Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada. source Quote Share this post Link to post Share on other sites