Sign in to follow this  
Deeq A.

40 qof oo ku dhintay fatahaado daadad ka dhacay dalka Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-e011-08dcb70ec894_w40

Warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegaysa in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen daadad ka dhashay roob mahiigan oo horraanti todobaadkan ka da’ay galbeedka dalka Yemen.

Saraakiisha maamulka Xuutiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ayaa xaqiijiyay tirada dadka ku naf-waayay daadadka, waxay kaloo sheegeen in qoysas daganaa ilaa 500 oo guri oo ku yaalla gobolka Xudeydah la daad-gureeyay, isla markaana waddooyin badan ay biyuhu gooyeen.

Xafiiska Isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabdho (OCHA) ayaa Arbacadi sheegay, in ay hey’adaha bah-wadaagta kula ah gargaarka ay billaabeen in ay gargaar u diraan Xudeyda, xilli ay taagan tahay baahi deg deg ah oo ay qabaan qoysaska ay daadadku barakiciyeen.

Gobolka Xudeyda ayaa ka mid ah gobollada ay maamulaan Xuutiyiinta. Waxa uu leeyahay dekadda ugu weyn Yemen, taas oo Xuutiyiintu loo soo marsiiyo hubka uga yimaada Iran.

PUNTLAND POST

The post 40 qof oo ku dhintay fatahaado daadad ka dhacay dalka Yemen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this