Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha wax ka beddelka Dastuurka federaalka Soomaaliya oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000010878.jpg?resize=1000%2C1000&ssl=1Qorshihii Madaxweyne Xasan Sheekh uu wax kaga beddalayay dastuurka federaalka wuxuu caqabad kala kulmay Labada Aqal ay kala hoggaamiyaan Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi.

Muqdisho (Wararka PP) — Qorshe ay dowladda federaalka Soomaaliya ku doonaysay inay ku dhammaystirto wax ka beddelka dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa gebi ahaan fashilmay. Dowladda federaalka ayaa ka noqotay dadaallo ay ku doonaysay inay Labada Aqal keento soo jeedinta wax ka beddelka qodobbo kale ka mid dastuurka federaalka kaddib markii Xildhibaannadii iyo Senatarradii taageersanaa ay ka soo hor jeesteen qorshahaas.

Xildhibaan ka mid ah xildhibaannada diiddan wax ka beddelka dastuurka ayaa sheegay in caqabad ay soo foodsaartay ku talagalka Madaxtooyada Soomaaliya oo ahaa in ka hor bisha Agoosto 2024 uu soo idlaado wax ka beddelka dastuurka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka fekeraysa sida ay uga tallaabsan karto caqabadda. Senator codsaday in magaciisa aan la sheegin oo la hadlay wariyaha Puntland Post ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay hor taallo kala doorashada inuu ka noqdo wax ka beddelka dastuurka ama inuu u beddelo qalalaase dastuur ugu yaraan labo sano oo kale ku dari karta muddo xileedkiisa oo ku eg 15/5/2026.

Dhowaan Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaatay mad-habta siyaasadeed ee Isaias Afwerke “Afwerke doctrine”.

Xildhibaanno iyo senetarro badan ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud galay dibindaabyo qaran markii uu ciidanka Itoobiya ku soo celiyay Soomaaliya 2014 iyo markii dowladdiisu heshiis difaac iyo heshiis sir wadaagis la gashay Itoobiya 2023. “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mudnaanta siinayaa muddo kororsi uu isku dayga wax ka beddelka dastuuriga ahi abuuray” ayuu yiri xildhibaan hawlgab ah oo ku sugan Muqdisho.

© Puntland Post, 2024

The post Qorshaha wax ka beddelka Dastuurka federaalka Soomaaliya oo fashilmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this