Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Xeerka doorashooyinka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
454231906_852846410277840_47594561831437

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo uu Shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo kala ah Xeerka doorashooyinka oo ay weheliyaan Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka sida uu sheegay Af-hayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale.

Labadan sharci ayaa hagi doona hannaanka doorashooyinka oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay raadinayso in lagu qabto barnaamijka xisbiyada badan ee qof iyo cod inkastoo caqabado badan ku gudban yihiin.

“Xeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka” ayuu yiri Af-hayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale.

Sharciyaddan ayaa la filayaa in la horgeeyo aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si looga doodo waxaana calaamad su’aal saaran tahay hannaanka loo ansixin doono, maadaama Mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin qorshahaasi.

Halkan ka daawo Hadalka Af-hayeen Farxaan Jimcaale

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Xeerka doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this