Deeq A. Posted August 8, 2024 Ururka Xamaas ayaa Salaadadii ku dhawaaqay in Yaxya Sinwaar oo ahaa madaxii Xamas ee Gaza loo magacaabay hogaamiyaha ugu sarreeya garabka siyaasadda. Yaxya Sinwaar ayaa baddalaya Ismaaciil Haniya oo toddobaad ka hor lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran. Ninkan ayaa tan iyo 2017-kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed. Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan. Goluhu wuxuu si aqlabiyad ah ugu codeeyay in la doorto Sinwar, taasoo mid ka mid ah saraakiisha Xamaas uu BBC-da u sheegay in tani tilmaamayso “farriin ka dhan ah Israa’iil”. “Waxay dileen Haniyeh, qofka dabacsan ee u furfuran xalalka. Hadda waa inay la macaamilaan Sinwar iyo hoggaanka militariga,” ayuu yidhi sarkaalka. Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xili xiisadda bariga dhexe ay cirka isku sii shareereyso, iyadoo Iran iyo xulafadeeda ay ku hanjabeen inay ka aargudan doonaan dilka Haniyeh oo ay ku eedeeyeen Israel. Israa’iil kama aysan hadlin. Xaaladdo badan ayaa laga hadlay, laakiin ugu dambeyntii, laba magac oo kaliya ayaa la soo bandhigay: Yahya Sinwar, iyo Mohammed Hassan Darwish, oo ah qof aan muuqan oo madax ka ah Golaha Shuurada Guud, oo ah golaha soo saara Xafiiska Siyaasadda Xamaas. Ka hor dhimashadiisa, Ismaciil Haniyeh waxa ay dublamaasiyiinta gobolku u arkayeen in uu yahay shaqsi wax ku ool ah marka loo eego kuwa kale ee Xamaas ahaana darawalka muhiimka ah ee siyaasadeed ee kooxda. Ninkan hadda hoggaanka kooxda qabanaya Yaxye Sinwar, waxaa loo arka mid ka mida kuwa ugu xagjirsan Xamaas. Sinwar ayaa ka mida kuwa ugu sarreeya liiska shaqsiyaadka Xamaas ee Israa’iil aad u doon doonayso. Hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ayaa rumeysan inuu isagu maleegay qorsheynta iyo fulinta weerarradii 7-dii Oktoobar 2023. Source Share this post Link to post Share on other sites