Sign in to follow this  
Deeq A.

40 qof oo Yemen ugu dhintay daadad ka dhashay Roob mahiigan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Waraka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya, in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen daadad ka dhashay roob mahiigan oo horraanti toddobaadkan ka da’ay galbeedka dalka Yemen.

Saraakiisha maamulka Xuutiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ayaa xaqiijiyay tirada dadka ku naf-waayay daadadka, waxay kaloo sheegeen in qoysas daganaa ilaa 500 oo guri oo ku yaalla gobolka Xudeydah la daad-gureeyay, isla markaana waddooyin badan ay biyuhu gooyeen.

Xafiiska Isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabdho (OCHA) ayaa Arbacadi sheegay, in ay hey’adaha bah-wadaagta kula ah gargaarka ay billaabeen in ay gargaar u diraan Xudeyda, xilli ay taagan tahay baahi deg deg ah oo ay qabaan qoysaska ay daadadku barakiciyeen.

Gobolka Xudeyda ayaa ka mid ah gobollada ay maamulaan Xuutiyiinta. Waxa uu leeyahay dekadda ugu weyn Yemen, taas oo Xuutiyiintu loo soo marsiiyo hubka uga yimaada Iran.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this