Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo qayb ka noqonaysa Hawlgalka cusub ee Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
GettyImages-1199626643.jpg?resize=1000%2

Dowladda Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika.

War-murtiyeed ka soo baxay Midawga Africa ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan. Waxaana dalalka kale ee Afrikaanka ah loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Hawlgalkan Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSM- African Union Support and Stabilization Mission) ayaa ku yimid codsi ay dowladda Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in kaddib bixitaanka ATMIS la helo taageero kumeelgaar ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

Go’aanka ka soo baxay Midawga Afrika ayaa noqonaya mid soo afjara hubanti-la’aan iyo walwal ku gedaamanaa sida loo maareynayo marxaladda ka dambeysa bixitaanka ATMIS, waana tallaabo dhiirrigelin u noqon karta dowladdda Soomaaliya oo xusul-duub ugu jirtay la-wareegista guud ee amniga dalka.

Halkan ka akhriso Qoraalka Midowga Afrika

FB_IMG_1723042089930.jpg?resize=720%2C91 FB_IMG_1723042099323.jpg?resize=720%2C91 FB_IMG_1723042103518.jpg?resize=720%2C90 FB_IMG_1723042110354.jpg?resize=720%2C91

PUNTLAND POST

The post Masar oo qayb ka noqonaysa Hawlgalka cusub ee Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this