Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Looga Hortagi Karaa Dhibaatooyinka ay La Kulmaan Dadka Muruqmaalka ah?

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida si xoog leh u qabsaday muuqaalka haweenay waayeel ah oo kamid ahayd shaqaalaha dhismaha magaalada Baydhabo, taas oo uu fal foolxun oo arxan darro ah u geysanayo nin la sheegay inuu xoogsatada ay ku jirto hormuudkooda yahay.

Haweenaydan oo ay duruuf iyo dacdarrooyin badani ka muuqdeen ayaa ayadoo TV magaalada Baydhabo nolosheeda adag uga waramaysa waxaa waxaa soo garab joogsanaya ninka madaxda u ah muruq maalka dhismaha ka shaqaynaya, ka dibna intuu si xun u qadaanqadiyo ayuu si kulul ugu oranayaa “shaqayso waqti lumiska naga daaye”.

Muuqaalkeeda oo baraha bulshada si xoog leh u qabsaday ayaa dhaliyay falcelin baaxad leh, waxaana hadda socda gurmadka baaxad leh oo nolosheeda lagu hormarinayo, balse keligeed ma ahan dad badan oo muruq maal ah ayaa xadgudubyo kaa lamid ah si maalin leh ah ula kulma, islamarkaana culayso ba’an la daalaadhacaya.

HADDA SIDEE LOO XALLIN KARAA DHIBAATADAAS.

inkastoo aysan dadku sinayn, islamarkaana naxariista iyo damiirka quman lays dheeryahay haddana inta badan shaqaalaha dhulka soomaalida ka howlgalaahi waxay la kulmaan culaysyo iyo xadgudubyo ka imaanaya dhinaca loo shaqeeyeyaalka ama madaxda xoogsatada oo si xun ula dhaqma muruq maalka maaraynta noloshooda iyo midda qoysaskooda u halgamaya.

Wax ka qabashada arrintan ayaa u baahannahay in si wadajir ah loogu jeesto, islamarkaana dowladdu ay soo saarto xeerar ay kula xisaabtamayso loo shaqeeyeyaasha looga hortago xadgudubyada lagula kaco xoogsatada, sidoo kalena muruq maalka qudhoodu ay midoobaan oo ay ka dhiidhiyaan wax kasta oo meel ka dhac ku noqan kara.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this