Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo baxay Shirkii degdega ahaa ee ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723008754075.jpg?resize=720%2C48

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay.

Golaha ayaa ku dhawaaqay xalay in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa xalay ansixiyay magacaabista Danjireyaal Soomaaliya uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee dalku ka leenahay caalamka.
Waxaana ay kala yihiin:

1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir
2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir
3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir
4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir
5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir
6. Faysal Axmed Salaad – Safiir
7. Abiib Muuse Faarax – Safiir
8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir
9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir
10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir
11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir
12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir
13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud
14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka soo baxay Shirkii degdega ahaa ee ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this