Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Tima-cadde oo sheegay in Maakhir iyo Khaatumo midna aysan keligeed noqon karin Maamul gaar ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723025970660.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdillaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa sheegay in Khaatumo iyo Maakhir aysan midna keligeed noqon karin maamul gaar ah oo la aqoonsan karo.

Guddoomiye Tima-cadde oo hadal ka jeedinayay munaasabad ku saabsan dhismaha maamul la baxay Maakhir oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in gobolka Sanaag oo keliya uusan noqon karin maamul gaar ah maadaama la rabo in Maakhir laga dhiso Sanaag.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulka SSC-khaatumo isna aanu noqon karin maamul gaar ah oo ku biira dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya islamarkaana aysan buuxin shuruudaha maamulnimo.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Gobollada Sool iyo Sanaag laga sameeyo maamul midaysan oo buuxiya shuruudaha maamul goboleed dhammaystiran maadaama aan Khaatumo iyo Maakhir midna gaar loo aqoonsan karin.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Tima-cadde

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Tima-cadde oo sheegay in Maakhir iyo Khaatumo midna aysan keligeed noqon karin Maamul gaar ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this