Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda wasaaradaha Puntland oo dib u habayn iyo isbeddel lagu samaynayo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1723019440655.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddullaahi Deni ayaa wada qorshe dib u habayn loogu samaynayo dhamaan agaasimayaal waaxeedyadda hay’adaha kala duwan ee dowlada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sida wararku sheegayaan isbeddel ku samaynaya dhammaan agaasimayaasha waaxyaha iyo xisaabiyaasha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda

Wasaaradda shaqadda iyo Shaqaalaha oo hordhac u ah qorshahaas ayaa dhamaan agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda ku amartay in ay soo gudbiyaan Cv-yadooda iyo warqadaha lagu shaqaalaysiiyay.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka shaqadda iyo Shaqaalaha Puntland ayaa amarkaasi lagu siiyay dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka & Maaliyadda iyo Xisaabiyaasha Wasaaradaha iyo sidoo kale Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Puntland.

Halkaan ka akhriso warqadda

Wargalin_240807_095746.jpg?resize=720%2C

PUNTLAND POST

The post Agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda wasaaradaha Puntland oo dib u habayn iyo isbeddel lagu samaynayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this