Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar oo mar kale si adag u difaacday midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20240806-WA0001-860x568-1.jpg?resize

Dowladda Masar ayaa mar kale ku celisay mawqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Masar Badr Abdelatty oo shir jaraa’id ka hadlayay magaalada Qaahira ayaa sheegay in dowladdiisu si adag u taagantahay difaacidda midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

“Waxa aan adkaynaynaa dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seyrtay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda” ayuu yiri Badr Abdelatty.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Masar ay si adag u diiddan tahay is-afgaradkii arrimaha badda ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland oo uu ku tilmaamay mid gardarro cad ah.

“waxa aan sidoo kale markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxiixay, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida Soomaaliya” ayuu sii raaciyay Badr Abdelatty.

Shirka jaraa’id ayuu qabtay isagoo uu weheliyo wasiirka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Masar oo mar kale si adag u difaacday midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this