Deeq A. Posted August 5 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa abaabuleysa banaanbax weyn oo maanta ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaas oo bilaaba doona saacadaha soo socda ee saaka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Banaanbaxa maanta dhacaya ayaa looga dhiidhinayaa xasuuqii ay Khawaarijta Al-Shabaab habeen ka hor u geysatay dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido. Dowladda ayaa qorsheysay in dibad-baxaas uu ka dhaco qeybo badan oo ka mid ah magaalada, balse ugu dambeyntii la isugu tago xeebta Liido oo ah halkii dadka lagu laayey. Shaqaalaha dowladda ayaa maanta lagu war geliyey inay maanta soo xaadiraan xarumaha ay ka shaqeeyaan, si loogu jiheeyo goobaha loo qorsheeyey in dibadbaxayaashu isugu tagaan oo xeebta Liido ay ugu horeyso. Koox dhalinyaro ah oo wasiirka dhalinyarada uu hoggaaminayo ayaa shalay isugu tagtay isbitaalka Madiina, kuwaas oo dhiig u shubay dadkii dhaawacmay, kadibna waxay la hadleen warbaahinta. Dhalinyaradaas ayaa sheegay iyagoo careysan in wixii ka dhacay Liido aan laga aamusi karin, iyagoo iclaamiyey banaanbax weyn oo berri ay dhigayaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa habeen hore si cadowtinimo ah u beegsatay dhalinyaro ku caweyneysay xeebta Liido, waxayna u dhigeen dabin adag oo qaraxyo iyo weerar toos ah isugu jira. Dad badan ayey dileen dhimashada ayaa gaartay 40 qof iyo dhaawacyada todobaatameeyo kale, inkastoo la fashiliyey gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa oo la aaminsan yahay in dadka inta ka soo badbaada xeebta uu ku baabi’i rabay laamiga. Ninkii waday gaarigaas ayaa la dhaawacay, kadibna waxaa lagu qabtay nolosha, iyadoo shalay galab si ku talagal ah loo qarxiyey, inkastoo uu gubtay gaadiid badan oo goobta looga cararay habeenkii weerarku dhacay.The post Dibad-bax wayn oo maanta ka dhacaya MUQDISHO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites