Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

A message to the ssc diaspora

Recommended Posts

Cabdirashiid Ducaale Qambi Oo Talooyin Ujeediyey Garaaddada Iyo Qurbo-joogga reer ssc Xukuumadda Somaliland Iyo Jabhadda SSC.

 

 

Hargeysa(Ramaas) Okt.05, 2010 - Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda Deegaanka Buuhoodle ee Somaliland, ayaa Xukuumadda Somaliland iyo madax-dhaqmeedka Deegaannada Buuhoodle iyo Sool inay xal degdeg ah u helaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka aloosan Gobolka Sool iyo Buuhoodle.

 

 

Cabdirashiid Qambi oo shir jaraa’id shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacday deegaanka Oog oo Jabhadda Hubaysan ee SSC si gaadmo ah ugu dileen hal Askari oo Ciidanka Qaranka ka tirsan, mid kalena ku dhaawaceen, halka ay hal qof oo shicib oo maalmo ka dib markii ay arrintaasi dhacday la soo daayeyna ka afduubeen, isla Tuulada Oog. Taas oo uu Cabdirashiid Ducaale Qambi ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah nabadgalyada Somaliland iyo Ciidammada Qaranka ee sida nabadgalyada ah u jooga jiiddaas, isla markaana waxa uu xusay inaanay dadka ku dhaqan deegaanka Oog reer Buuhoodle ka mutaysan tallaabooyinka lagula kacay oo uu ku sifeeyey inay ahayd mid aad u fool-xun.

 

 

Mr. Qambi waxa uu sheegay inaanay siyaasadda Kooxda la baxday SSC ahayn mid dani ugu jirto guud ahaanba dadka Sool iyo Buuhoodle. Waxaanu ugu baaqay dadka Gobolka Sool iyo Buuhoodle dibad iyo gudo meel ay joogaanba inay ka shaqeeyaan horumarinta dadkooda iyo deegaannadooda, kana feejignaadaan tallaabo kasta oo dhaqaale loogu ururinayo cid nabadgalyada burburinaysa, xasilloonidana ka soo horjeedda, oo aanay wakhti iyo hanti toona iskaga lumin taageerada SSC.

 

 

Cabdirashiid Ducaale Qambi waxa uu si wada-jir ah baaq ugu diray Xukuumadda Somaliland, Jabhadda SSC iyo Beelaha uu ka soo jeedo ee Sool iyo Buuhoodle.“Waxaan doonayaa SSC inaan hal idhaahdo, Xukuumadda Somaliland inaan hal idhaahdo, Qurba-joogga Dhulbahantana inaan hal idhaahdo, Xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay ballan-qaadkii aad ballan-qaaddeen oo illaa imaka intaan ka war hayo Guddi la saaray la igu yidhi warkoodii iyo wixii ay qabeen waxay u gudbiyeen Madaxweynaha, Madaxweynuhu sidii uu ballan-qaaday wax loo socod-siiyo oo Xukuumaddu u socodsiiso oo wadahadalkii iyo gogoshii Madaxweynuhu fidiyey la socodsiiyo oo laga midha-dhali, oo aanay noqon arrin caajis gala, taas ayaan Xukuumadda odhanayaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashadii Qambi.

 

 

Cabdirashadii Qambi oo la hadlaya Beeshiisa iyo SSC, waxa uu yidhi; “SSC waxaan odhan lahaa, reer Buuhoodle dagaal uma baahna, SSC Laascaanood hawlgal kama fuliso, Xudurna kama fuliso, Taleex kama fuliso, Sanaag kama fuliso, Fiqi-fuliyana kama fuliso, Awr-boogeysna kama fuliso, markaa waxaan leeyahay SSC reer Buuhoodle nabad bay u baahan yihiin, haddaad Boorama eegto xaaladda ka jirta iyo meeshaasi horumarka ay gaadhay ee ay nabad ku gaadhay, siyaasad ku gaadhay ee ay danteeda ku gaadhay ee meesha waxa ka jiraan ay garteen, Buuhoodle Dhakhtarkiisi wuu xidhan yahay, oo Iskuulladiisi way xidhan yihiin oo haddaad magaalada aragto yaab baa Illaahay kuu keenayaa.” “Waar haddaad tidhaahdaan Itoobiya waannu soo oodaynaa, oo Somaliland waa soo oodaynaa oo Puntland waa soo oodaynaa, dee meel loo socdaan jirin.

 

 

Waar ragga dibadda jooga ee lacagta rasaasta ku bixinayaa inay Qalin ku bixiyaan baa wanaagsan, inay Buug ku bixiyaan oo Iskuul ku bixiyaan oo ay ummaddooda meel walba laga xidhay sadaqad ku siiyaan oo wax ugu kordhiyaan baa wanaagsan, Balse in la yidhaahdo Xagla-toosiye ayaa meel noo fadhiya oo waannu dagaallamaynaa meel walba waannu iska soo oodaynaa caqli iyo cilmi toona maaha.” Ayuu yidhi Cabdirashadii Ducaale Qambi.

 

 

“Dadkii dhulka maraayey ee Caafimaadka u socdey shaki ayaa galay, waxaannay ilaa Hargaysa, Caynabo iyo Qorulugad ay Dadka joogaa ka shaqaynaayeen wannaag in Wiil yar oo Gaadhi wata haddii la yidhaahdo soollaa habari heshay oo Sool illaa Qorulugad ilaa Coobadley Wallaahi oo Bilaahi oo Talaahay in aanay sidaas Nabadgelyo ku haagayn.” Ayuu hadalkiisa ku ladhay Mr. Qambi.

 

 

Cabdirashiid Qambi oo la hadlaya la hadlaya dadka ay isku deegaanka yihiin, waxa uu yidhi; “Dadka dibadda jooga ee reer Sool, Buuhoodle, Taleex, Ceerigaabo, Fiqi fulliye, Xuddun, Badhan, Laasqorey, Ceelaanyo iyo Dhahar waxaan odhan lahaa waar Dadka dibada joogaa xaaladoodu waxay maraysaa halkii 88-kii, waxa maanta yaalla Hargaysa, Burco iyo Berbera waxa halkaas yaallaa Dadkaasi aan sheegay ma ahaayaan, waar Dadka iyo dalka waxa lagu dhaqi karaa Nabadgelyo oo lagu wadda hadli karaa oo lagu heshiin karaa oo lagu midoobi karaa oo lagu kala tagi karaa sidda aad jecel yihiin, wax aan nabad ku dhalanna xumaan kuma dhashaan, Masuul xilka ka haya Xukuumadda Somaliland oo u hadlaya ma ihi ee Muwaadin reer Somaliland ah ayaan ahay oo Muwaadin Soomaaliyeed ah oo Buuhoodle ah oo Muwaadin reer Dhahareed ah ayaan ahay, waxaan odhan lahaa waar halkan waxa yaallaa iyo waxa aad ku haysaan dibadaha way kala fog yihiin, halkii SNM ay maraysay 88-kii ayaad maraysaan dhulkana Nabad ayaa taalla oo la isku dhex marayaa oo lagu wadda joogaa oo la isku dhaqayaa.”

 

 

“Waxaan arkaayey Niman reer Buuhoodle ah oo leh waa nala gumaysanayaa oo waa nala haystaa Walaahi in aanay jirin cid cid gumaysan karaa oo qasab ku haysan karaa Soomaali reer ugu yar-na dhahoo cidbaa gumaysan kartaa ma jirto, wax waliba Nabadgelyo iyo xalbay ku shaqayn karayaan, Nimanka la yidhaahdo SSC camalka ay ku shaqaynayaan maaha mid *********** iyo reer Buuhoodle wax u taraaya maaha wax ka qabta ummadaha ay jaarka yihiinna maaha.”

 

 

“Inta Oog wax lagu laayo oo dad laga soo afduubto in Buuhoodle lagu soo dhuunto oo dadka lagaga furfuro wax ummadda jaarka ah qabta maaha, Puntland waxay ka shaqaynaysaa Nabadgelyo, Somaliland-na waxay ka shaqaynaysaa waa nabadgelyo, markaa Nimanka dibadaha jooga ee leh intaas oo dhan waanu soo oodaynaa waxa ka wannaagsan inay lacagta ay rasaasta ku soo dirayaan ay Qalin ku bixiyaan oo ay Buug ku bixiyaan ayaa ka wanaagsan sidda ay hada waddaan.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale Qambi.

 

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Laakiin in la yidhaahdo Xagla Toosiye ayaa meel noo fadhiya oo Oog soo weeraraya oo Askar masaakiin oo diiday inay lafahoodu galaan carro *********** ayaan laynayaa addeer waxaan leeyahay Ragga Garaadada ah ee bud-dhiga u ah SSC ummadda ka daaya fidnadda oo waxaad waddaan ma qabbo reer Buuhoodle sidaas ayaan soo jeedinayaa inagoo ah reer Buuhoodle.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is scared for his people saxib and understands that geographically were they are located and realizes that without Somaliland saxib you are imprisoning yourself into a ghetto were the reer miyi use your cattle as target practice and maybe even it has happened as of yet alxamdulilah but even your people. War is not what these little kids in the diaspora think it is, it is a dirty game and you are outnumbered and out gunned and your people along with many others are impoverished masakin people who have nothing except their cattle.

 

So be careful.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this