Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Golaha Ammaanka Ruushka oo maanta gaaray caasimadda Iran Tehran

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1722864266491.jpg?resize=720%2C47

Xoghayaha Golaha Ammaanka Ruushka, Sergei Shoigu ayaa maanta gaaray caasimadda Iran ee Tehran, halkaa oo la sheegay inuu kula kulmayo madaxda sare ee Iran oo uu ku jiro madaxweynihii toddobaadkii hore la caleema-saaray ee  Masoud Pezeshkian iyo saraakiisha ciidanka Ilaalada Kacaanka.

Wadahadallada u dhexeeya Shoigu iyo Pezeshkian ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga gobolka iyo kan caalamiga ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo laga cabsi qabo inay ka dillaacdo bariga dhexe xiisad dhalin karta dagaal weyne ka dhaca, xilli Iran ay iskudayayso inay ka jawaabto dilka madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ee ka dhacay Tehran.

Ruushka wuxuu la leeyahay Iran, iskaashi wanaagsan oo difaaca ah , iyadoo Tehran ay gaarsiisay Moscow diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo qeyb ka noqday dagaalka uu Ruushka ku jiro ee Ukraine , halka labadii maalin ee u dambeysay uu Ruushka u diray Iran diyaaradaha xamuulka qaada oo aan caddeyn xamuulka ay geeyeen Tehran.

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha Golaha Ammaanka Ruushka oo maanta gaaray caasimadda Iran Tehran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this