Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Iran oo Garab Istaag u Muujisay Dowladda Soomaaliya Kadib Musiibadii Liido

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Iran ayaa cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo sababay geerida 37 ruux iyo dhaawaca 67 kale.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Iran, Naasir Kan’ani, ayaa cambaareeyey Weerarkii Kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen magaalladda Muqdisho, wuxuuna u tacsiyeeyey Dowladda Somalia iyo Qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Weerarkii Argagixiso.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxu ku baaqay in loo midoobo sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa kooxaha hubeysan ee beegsada goobaha ay isku yimaadaan dadka shacabka ah.

Ugu yaraan 32 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 63 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay xeebta caanka ah ee Liido.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka marka laga reebo qaraxyadii Zoobe.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this