Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiska isbahaysiga iyo Wada- shaqaynta Urur Siyaasadeedka Kaah iyo Xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

Heshiiska isbahaysiga iyo Wada-
shaqaynta Urur Siyaasadeedka Kaah iyo Xisbiga WADDANI

HORDHAC
Dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu muddooyinkii u dambeeyey ku jiray xaalado adag oo dhaqaale, siyaasadeed, amni iyo go’doon diblumaasiyadeed. Duruufahaas oo ka dhashay siyaasadaha iyo hab-dhaqanka maamul ee xukumadda waqtigan talada haysa.
Sida ugu habboon ee looga gudbi karo dhibaatooyinkaas is-barkani waa, in dhammaanteen aynnu isu kaashanno soo noolaynta rejadii iyo midnimadii ummadeed ee muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Hogaannada xisbiga WADDANI iyo urur siyaasadeedka KAAH oo ka duulaya aragtidaas, ayaa kaddib kulamo joogto ah oo muddo u socday, iyo latashiyo ballaadhan oo ay la sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa ay maanta si rasmi ah u gaadheen heshiis ay ku yagleelayaan isbahaysi siyaasadeed oo ay ujeeddadiisu tahay xoojinta midnimada ummadda, nabadgelyada dalka, iyo sii kobcinta geeddisocodka dimuqraadiyadda Jamhuuriyada Somaliland.
ARAR
Markii aannu aragnay: jadwalka doorashooyinka madaxtooyada, iyo axsaabta iyo ururrada siyaasadda JSL ee uu shaaciyey Komishanka Doorashooyinka Qaranku, kuna muddaysan 13 Noofambar 2024. Islamarkaana aannu hoosta ka xarriiqnay muhiimadda ay doorashooyinku u leeyihiin, geeddisocodka hannaanka dimuqraadiyadda iyo qori isku dhiibka ku dhisan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii aannu darisnay: dhibaatada dadka JSL ka soo gaadhay hoos u dhaca adeegyaddii dawladeed intii ay talada haysay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taasina ay dhaawac baaxad leh gaadhsiisay ammaanka, wada-noolaanshiyaha, wadaniyadda, iyo israacsanaanta dhuleed ee JSL.
Markii aannu ku qanacnay :baahida loo qabo dawlad sharciga iyo caddaaladda ku shaqaysa, hubisana in muwaadiniintu ay si isku mid ah uga faa’idaystaan khayraadka, iyo adeegyada dawladeed.
Markii aannu yaqiinsanay:in ay lagama maarmaan tahay soocelinta kalsoonidii, ixtiraamkii iyo wadajirkii bulshada Somaliland dhexdeeda. Isla markaana aannu garwaaqsannay baahida loo qabo, isbeddel dhab ah oo ka turjumaya rajada muwaadinka ee ah in qarankani uu noqdo boqcad nabdoon, madaxbannaan, lana adkeeyey midnimada iyo wadajirka qaybaha kala duwan ee bulshada JSL.
Markii aannu latashannay: muwaadiniinta lixda gobol ee JSL, isla markaana ku qanacnay taladooda ah in ay lagama maarmaan tahay in la helo dawlad midnimo-qaran oo ka turjumta Somaliland cusub oo la-wada-leeyahay, loona simanyahay khayraadka iyo adeegyada dawladda, kuna shaqaysa sarraynta sharciga, hab-dhaqanka madaniga ah oo ku qotoma dimuqraadiyad, caddaalad, dib u midaynta dadka, xoojinta nidaamka dawladnimo, iyo horumarinta dalka.
Markii aannu aragnay: suurtagalnimada iskaashi iyo xulufo-wadaag ay Urur Siyaasadeedka Kaah iyo Xisbiga Waddani ka yeeshaan ka wada-shaqaynta doorashooyinka axsaabta/ururrada iyo Madaxtooyada, si waafaqsan dastuurka JSL, Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Qaranka ‘Xeer Lr. 14/2023’, iyo xeerhoosaadyada KAAH iyo WADDANI. Isla markaana la dhawrayo mabaadii’da dimuqraadiyadda iyo kala-madaxbannaanida dhisme, maamul iyo siyaasadeed ee labada dhinac.
Markii aannu ku qanacnay: muhiimadda uu iskaashi siyaasi ah oo dhex mara Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Xisbiga Waddani u leeyahay danta dalka, iyo gaar ahaan doorashooyinka Madaxtooyadda, Axsaabta iyo Ururrada.
Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Xisbiga WADDANI, maanta oo ay taariikhdu tahay: 04/08/2024, waxa dhexmaray heshiiskan ‘Midnimo Qaran’ ee Iskaashiga iyo Wada-Shaqaynta Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Xisbiga Waddani oo ay qodobbadiisu hoos ku xusan yihiin:
QODOBBADA HESHIISKA
1. Ilaalinta Kala Madaxbannaanida iyo Dimuqraadiyadda Dhinacyada
Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah waxa ay isla qirayaan, dimuqraadiyadda iyo kala madaxbannaanida siyaasadeed ee labada dhinac (Maintaining independent political identities) oo mid kastaa uu gaarkiisa u leeyahay jiritaankiisa iyo shaqsiyaddiisa qaanuuniga ah.
2. Ka Wada-shaqaynta iyo is kaashiga danta Somaliland
Heshiiskani waxa uu meelmarinayaa in Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah ay yeeshaan xidhiidh wada-shaqayneed iyo iskaashi rasmi ah, si ay ku jirto danta Somaliland, laguna xoojinayo kalsoonida muwaadiniinta Somaliland iyo hufnaanta dimuqraadiyadda.

3. iskaashiga Midnimada Qaranka
Heshiiskani waxa uu garwaaqsaday in Somaliland ay waqtigan wajahayso caqabado amni, dhaqaale, bulsho iyo deegaan oo dhibta ay qaranka u geysanayaan ay si xawli ah u sii kordhayso, sidaa daraaddeed, Kaah iyo Waddani waxa ay lagama maarmaan u arkaan, in la helo isbeddel hoggaamineed oo si dhab ah wax uga qabta caqabadahaas. Heshiiskanina waxa uu abuurayaa iskaashi iyo wada-shaqayn rasmi ah oo u dhexeeya Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka KAAH, kaas oo lagu:-
b. xoojinayo qarannimada, wadaniyadda, iyo israacsanaanta dhuleed ee JSL
t. isla markaana lagu adkaynaayo dawladnimada, midnimada, iyo wadajirka shacabka JSL.

4. ka wada-shaqaynta doorashooyinka
Waddani iyo Kaah waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada-shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah, waqtigeedana aan ka dib dhicin. Waxa aanay muwaadiniinta ku boorinayaan in ay ka feejignaadaan, cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso geeddisocodka hannaanka doorashooyinka isa saaran ee mudaysan 13/11/2024.
5. In KAAH wax laga siiyo dhismaha dawladnimada
Waddani iyo Kaah waxa ay ku heshiiyeen, in marka Murashaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ku guulaystaan doorashada Madaxtooyada (Haddii Alle idmo), In ay Ururka/Xisbiga KAAH wax ka siiyaan dhismaha Dawladnimada.
6. Taageeridda Murashaxiinta madaxweyne iyo ku-xigeen ee xisbiga Waddani
Urur-siyaasadeedka Kaah waxa uu taageerayaa murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Murashaxa Madxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga Waddani, Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi. Taageerayaasha urur siyaasadeedka Kaahna, doorashada madaxtooyada ee soo socota, waxa ay u codeynayaan murashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani.
7. Dib u habaynta nidaamka siyaasiga ah ee dalka
Waddani iyo Kaah waxa ay ku heshiiyeen in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka siyaasiga ah ee dalka, si loo helo hannaan siyaasadeed oo ku dhisan xisbiyo leh Sharciyad iyo metelaad dhab ah, kana hufan qabyaalad iyo abtirsiin.
8. Xoojinta Dawladwanaagga iyo midnimada qaranka
Waddani iyo Kaah waxa ay ku heshiiyeen in la raadiyo dawlad casri ah oo ku dhisan sarraynta sharciga, dhaqanka suuban ee islaamka, xoojinta dimuqraadiyada iyo caddaalada bulshada, isla markaana adkaysa midnimada dalka iyo dadka, iyo in xal waara loo helo arrimaha soo noqnoqda ee ay ka mid yihiin dib u dhaca doorashooyinka lana hubiyo in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan,(Regularity of elections).
9. Ilaalinta Wadaniyadda iyo midnimada dhuleed ee JSL
Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka KAAH waxaa ka go’an, ilaalinta qarannimada iyo israacsanaanta dhuleed ee JSL, waxa ay aamminsan yihiin in shacabka gobalka Sool ay lagama maarmaan u yihiin midnimada dadka iyo qarannimada Somaliland. Heshiiskani waxa uu gogolxaadh u noqonayaa in arimaha gobolka Sool hab nabad ah lagu xaliyo.
10. Ka wada-shaqaynta in Kaah iyo WADDANI ay u soo baxaan xisbinimo
Xisbiga Waddani iyo Uurur Siyaasadeedka Kaah iyaga oo ixtiraamaya xulufo-wadaaggan ka dhexeeya ee ay ujeeddadiisu tahay, in si hufan loogu tartamo doorashada Ururrada iyo Axsaabta, yoolkuna uu yahay in Kaah iyo Waddani ay labaduba u soo gudbaan ka mid noqoshada saddexda xisbi qaran ee doorashada ku soo bixi doona. Isla markaana waxay si dhaw uga wada-shaqayn doonaan qorsheyaasha lagu gaadhayo ujeedooyinka heshiiskan ku xusan oo ah:
b. Kobcinta dhaqaalaha, waxsoosaarka, shaqo abuurka, horumarinta baahiyaha asaasiga ah, iyo hoos u dhigidda qiimaha maciishadda.
t. Kor u qaadista bixinta adeegyada bulshada iyo maamul-daadejinta sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
j. Xoojinta dawladnimadda, isku dheeli-tirnaanta awoodaha Xukuumadda, Sharcidejinta, iyo Garsoorka, sidoo kale in dib u habayn (Reform) lagu sameeyo nidaamka garsoorka iyo cadaaladda dalka, si waafaqsan dastuurka JSL iyo xeerarka kale ee ka farcama.
k. Xisbiga WADDANI iyo urur siyaasadeedka KAAH waxay isla garteen muhiimada ay leedahay in dastuurka dib u eegis lagu sameeyo si loo helo saami qaybsi dhamaystiran.

11. Is xurmaynta iyo xoojinta is Ixtiraamka Labada Dhinac
Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah waxa ay ku heshiiyeen in ay ka reeban tahay, eedo isu jeedinta, is dhaliilista iyo isdacaayadaynta, tooska ah ama dadban ee labada dhinac.
12. Iskaashiga guddiyada ololaha ee labada dhinac ee heer qaran.
Si dhow ayay u wada-shaqaynayaan guddiyada ololaha ee labada dhinac (Waddani iyo Kaah), iyaga oo wadaagi doona xogta, iyo wixii kale ee daruuri u ah wada-shaqaynta labada dhinac. Waxaana la samayn doonaa gudi musdanbeed ah oo labada dhinac ah si ay u kor joogteeyaan fulitaanka heshiiskan.
13. Xidhiidh iyo war-is-gaadhsiin joogto ah
Guddiyada ololaha ee labada dhinac waxa ay joogtayn doonaan kulamada ay kaga arrinsanayaan arimaha ololaha, iyo wixii hadba la soo gudboonaada.
14. Baratakool xidhiidhka iyo habraaca war-isgaadhsiinta
Guddiyada ololaha ee labada dhinac waxa ay samaynayaan nidaam is gaadhsiineed iyaga oo u xil saaraaya cid u qaabilsanaata xidhiidhka iyo war-isgaadhsiinta maalinlaha ah ee labada dhinac (focal person/s).

15. Isu-duwidda Guddida Ololaha heer gobal iyo heer degmo
Guddiyada heer qaran ee ololaha labada dhinac waxa ay dejin doonaan hannaan ay ku wada-shaqeeyaan gudiyada heer gobol iyo heer degmo ee ololaha labada dhinac.
Haddii uu soo baxo arrin iyo isfahmi waa, ama uu dhinac cabasho ka qabo qaabka ololaha, waxaa sida ugu dhaqsaha badan loogu gudbinayaa guddiyada heer qaran ee ololaha labada dhinac, si ay tallaabo xal ah uga qaadaan.
16. U hoggaansanaanta xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka.
Hawlaha ololaha iyo shaqooyinka la xidhiidha, waxaa lagu maamulayaa, loona raacayaa Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixiyaha, Xeer Lr. 91/2023, iyo habraacyada ay soo saaraan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.
17. Joogteynta Qaab-dhismeedka Sharci ee labada dhinac
Xisbiga Waddani iyo ururka-siyaasadeedka Kaah waxa ay qireen muhiimadda ay leedahay dimuqraadiyadda, iyo xaqdhowrista kala madaxbannaanida siyaasadeed ee labada dhinac (Maintaining independent political identities). Sidaas awgeed, heshiiskani kama hor imanayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr.14/2023, Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr.91/2023, iyo xeerhoosaadyada Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah. Xisbigga Waddani iyo Urur-siyaasadeedka Kaah, mid kastaa waxa uu leeyahay jiritaankiisa iyo madaxbanaanidiisa u gaarka ah oo uu ku gelayo doorashooyinka soo socda.
XISBIGA WADDANI URUR SIYAASADEEDKA KAAH
Magaca:
Magaca:
Xilka:
Xilka:
Saxeexa:
Saxeexa:
Taariikhda:
Taariikhda:

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this