Sign in to follow this  
Deeq A.

Gurmadka iyo Baxnaanada Dhaawacyada Waa Lama Dhaafaan Kadib Musiibadii Dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Musiibadii ka dhacday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxay saameysey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo qaarna qoys ahaan u dareemeen ka dib markii qof ama laba xubnood oo muhiim ahi ay gurigooda ka baxeen, kuwana ay qalbi ahaan u taabatay oo murugo iyo uur ku taalla ku abuurtay.

Ka sukow caloolyowga iyo tiiraanyada qalbi ahaan u maasheeyay Soomaalida iyo dadyowga kalee ka naxayaba, damqasho iyo dareen dowlad iyo shacab leh ayaa dalkoo dhan ka aloosmay, waxaana billaamay gurmad iyo gargaar loo fidinayo dhibbaneyaashii ay waxyeeladu gaartay.
Birmad ballaaran oo ay dowladdu hormuud u tahay ayaa ka socda caasimadda iyo meelo kale , kaas oo isugu jira dhaymo, dhiig shubid, iyo dhaqaale aruurin, waxaana xoogga la saarayaa badbaadinta dhaawacyada halista ah iyo bogsiinta kuwa fudud ee Isbitaallada ku jira.

Dhaqaatiirta ka howl-gala magaaladu ayagoo daruufo adag oo jaad walba leh wajahaya ayay habeen iyo maalinba u soo jeedaan sidii ay u badbaadin dadka dhaawaca ah oo xarumaha ay joogaan daadsan, waxaana hurdo iyo harsiba u diiday shaqada aan kala go’a lahayn oo ay hayaan iyo damiirkooda oo aan u oggolayn in ay jiif iyo nasiino u bayraan, ayadoo bukaan xaalad adag ku jiraahi u muuqdo.

Dhankeeda dowladdu waxay magacowday guddi heer wasiir ah, kuwaas oo si dhow ula socda xaaladda Isbitaallada ay dhaawacdu ku jiraan, islamarkaana u xilsaaran fududayn culaysyada ku gadaaman u adeegidda dhibanayaasha iyo isku dubba-ridda gurmadka loo fidinayo.

haddaba ayadoo laga duulayo dulucda maahmaahdii ahayd” dhacama  geel siday u kala horeeyaan baa loo kala qaadayaa” waxaa habboon in labada gacmoodba laysugu geeyo badbaadinta iyo baxnaanada dhaawacyada oo intii aan dalka wax loogu qaban karinna si deg deg ah loogu qaado dibedda, inta kalena daryeelkooda iyo daawayntooda si wanaagsan oo aan hagar lahayn laysugu xil-qaamo.

Howl walba waa in laga hormariyaa la tacaalidda dhaawacyada maxaa-yeelay badbaadinta nafta ayaa wax kasta muhiisan, haddii la dayacona inciqaab Alle iyo ceebba waa laga dhexli doonaa, sidoo kale gurmad qofba taagtiis inaan loo kala harin ayaa habboon.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this