Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo si adag u cambaareysay weerarkii Xeebta Liido ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240802_230706521.jpg?resize=787

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee habeen ka hor ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

“Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.”ayaa lagu yiri bayaanka Cambaaraynta ah.

“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya. In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambaareynta ugu adag,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Annagoo ku biirayna dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna la garab taagan tahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobey oo si adag u cambaareysay weerarkii Xeebta Liido ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this