Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxa Muqdisho: Sida goobtii cawayska ay halmar isugu badashay dhul maydka iyo dhaawacu waran yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuqaal argagax leh oo muujinaya tobannaan ruux oo daadsan xeebta Liido ee Muqdisho ayaa ku baahay baraha bulshada. Waxa uu muujinayaa dad dhallinyaro u badan oo aan la ogayn dhaawac iyo dhimasho midka ay yihiin markaas, balse dhulka wada jiifa.

Muuqaal kale oo la duubay daqiiqada ka hor xilliga qaraxu dhacay ayaa isna muujinaya tobanaan dhalliyaro ah; haween iyo ragba isugu jira oo damaashaadaya xeebta Liido. Qaar ayaa majo baxsanaya, kuwa ayaa dhulka fadhiya, kuwa kalana waxay ku caweynayeen kafeeyada ku yaalla dhinacyada xeebta.

Balse muddo yar ka dib, wax walba waxay isku badalayaan isku dhexyaac iyo kala orod – markii halmar uu iftiin holcaya indhaha ka qabto dadkii xeebta ku sugnaa kadibna ay maqlaan dhawaq xooggan oo aysan dhagahoodu jeclaysan.

Muuqaal kale oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya sida da’yar ku laafyoonayay xeebta ay naxdin iyo qarracan ugala carareen naftooda goobtii ay damaashaadka u soo doonteen.

Shalay waxay u ahayd reer Muqdisho maalin ay ka nastaan shaqada iyo daalkii todobaadka, waxaana caada ah in maalinka Jimcaha ay dadku u caways iyo tamashle doontaan meelo ay ka mid tahay xeebtu.

Dhaawac

Xigashada Sawirka,Social Media

Nin sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya ahaa nafti hallige ka tirsan ururka al Shabaab ayaa isku qarxiyay dadka. Kadibna waxaa goobta soo galay koox kale oo hubaysan oo toogasho ka bilaabay xeebta.

Ururka al Shabaab ayaa war ay ka sii dayeen idaacad afkooda ku hadasha waxay ku sheegteen masuuliyadda weerarka.

Ilaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee dadkii ku dhintay qaraxa, balse warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ayaa sheegay in ilaa 10 qof ay ku dhinteen, soddomeeyo kalana dhaawacmeen.

Muuqaalada isku dhexyaaca, walwalka iyo kala orodka dadka muujinaya ayaa aad u harqiyay baraha bulshada habeenkii xalay ahaa.

 

Gaari

Xigashada Sawirka,SNTV

Mid ka mid ah dadkii ka soo badbaaday goobta oo ahayd gabar da’yar ayaa waxay sheegtay in dhamaan koox gabdho ah oo saaxiibadeed ahaa oo ay xalay wada joogeen xeebta ay wada dhinteen.

Iyada oo sharraxaysay wixii ay ku aragtay goobta iyo sida wax walba isku badaleen ayaa waxay tiri “Annaga oo socona ayaa meesha qaraxu ka dhacay. Dadka ayaa horteyda daadanaya!”.

Waxay sheegtay in waligeed argagax kan ay xalay aragtay la mid ah aysan la kulmin.

Sida uu wakaaladda wararkaee Anadolu u sheegay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, markii qaraxa la maqlayba ciidamada ammaanku waxay u kala ordeen dhinaca xeebta, gaara ahaan aagga ay wax ka dhaceen.

Waxaa halkaas dagaal ku dhex maray ciidanka ammaanka iyo koox hubaysneed oo toogasho ka bilowday gudaha hotel ku yaalla xeebta. Ciidanka ayaa xiray wadada ugu way nee gasha xeeba.

Kadib rasaas ka socotay goobta muddo ku dhaw laba saacadood, ciidamada ammaanku waxay sheegeen in ay soo af jareen kooxdii soo weerarta aagga, oo ay tiradooda ku sheegeen ilaa lix xubnood oo Shabaab ahaa.

Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, in ay dileen shan ka mid ah ragga oo dagaalmayay, halka ay mid kalana uu is qarxiyay bilowgii weerarkooda.

“Hawlgal dagdag ah oo ay sameeyeen ciidamada amaanka ayaa waxa lagu toogtay shan ka mid ah argagixisada al Shabaab oo fiidnimadii Jimcaha weerar dhimahso sababay ku soo qaaday xeebta Muqdisho”, ayaa lagu yiri warka ciidamada ammaanka ka soo baxay.

Inta badan isbitaallada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada dhibanayaashii goobta wax ku noqday. Baafinta nuucyada kala duwan ee dhiigga ayaana is qabsatay baraha bulshada.

Saaka xaalku waa uu dagan yahay magaalada Muqdisho, dadkuna sidii caadada ahayd waxa ay u ka laheen shaqooyinkoodii. Balse qalbiyada qoysas badan oo reer Muqdisho ayaan dhab ahaantii daganayan.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this