Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Mareykanka oo Hub Dheeraad ah Geynaya Bariga Dhexe iyo Xiisadda Gobolka oo Sii Kordheysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Milateriga Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu saanad militari oo dheeri ah u dirayo Gobalka bariga dhexe, taas oo ay ku jiraan markab diyaarada xambaara, iyo kuwa wax burburiya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo xiisadda cirka isku sii shareeraysa ee u dhaxaysa maamulka Israa’iil iyo dalka Iran.

Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday inay u diri doonto diyaarado dagaal , iyo maraakiib ay kuwa wax buriyaahi ku jiraan, ayadoo wada-hadal dhex maray madaxweyne Biden iyo Ra’iisul Netanyahuna sheegay in aqalka cadi uu ballanqaaday inuu Israa’iil ka difaaci doono weerarrada Iran iyo ururka Xisbullah.

afhayeenka Pentagon Sabrina Singh ayaa u sheegay suxufiyiinta in Mareykanku xoojinayo ilaalinta saldhigyadiisa gobolka oo dhan, islamarkaana taageero difaaca Israa’iil loo fidiyo, ayadoo la hubiyo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo xiisadda sii kordheysa ee aaggaas ka aloosan.

Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib markii dhowaan ay dhaceen dilal si weyn loo hadal hayay oo lagu khaarajiyay saraakiil ka kala tirsan Xamaas iyo Xisbullah oo xiriir la leh Iran, Ciidamada Israa’iil ayaana la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan dilalkaas qorsheysan, balse tell Aviv ma aanay qiran arrintaas.

Iran iyo Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay falalkaas, gaar ahaan dilkii Ismaaciil haniyah oo ahaa madixii xaafiiska siyaasadda ururka Xamaas jawaab adag ka bixin doonaan, taas oo Israa’iil walaac nabad-galyo oo xooggan ku abuurtay, taas oo keentay inay ciidamadeeda heegan geliso, dhaqdhaqaaqa duulimaadyada garoomaduna ay yaraadaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this