Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ammaanka Muqdisho oo soo afjaray weerarkii Qaraxa ku bilowday ee Xeebta Liido

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240803_051121662.jpg?resize=840

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa gelinkii danbe ee xalay soo afjaray weerar qarax ku bioowday oo kooxaha Argagixisada ah la beegsadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa sheegay in ay  toogteen 5 kamid ahaa kooxaha weerarka soo qaaday halka mid kalena uu markii hore naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu khasaare dhimasho iyo dhaawac badan gaarsiiyay shacabkii xeebta ku caweynayey.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Macallin Mahdi ayaa xaqiijiyey in weerarkii Argagixiso ay Ciidammadu soo af jareen islamarkaana ay dadkii ugu badnaana ay Ciidanku soo bad baadiyeen.

Waraka ayaa intaasi ku daraya in weli tiro koob lagu wado tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxaasi oo dhacay xilli aad u saxmad badan.

Dhinaca kale Ciidammada Ammaanka Muqdisho ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Argagixisadu kusoo diyaarsadeen si ay Shacabka Caasimadda ugu wax yeeleeyaan sida uu sheegay Taliye Macallin Mahdi.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Ammaanka Muqdisho oo soo afjaray weerarkii Qaraxa ku bilowday ee Xeebta Liido appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this