Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay khasaaraha Weerarkii Xeebta Liido

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1722672179467.jpg?resize=720%2C51

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saaray khasaaraha weerarkii ku bilowday qaraxa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii xalay ay ku dhinteen in ka badan 32 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 63 kale oo rayid ah, kuwaasi oo ay ku jiraan dhaawacyo culus.

“Guud ahaan waxa goobtaasi ku geeriyooday dad rayid ah oo tiradoodu dhaafayso 32 qof waxaana ku dhaawacmay dad rayid ah oo dhaawac fudud iyo dhaawac culusba isugu jira oo gaaraya ilaa 63 qof” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan.

Af-hayeenka Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Laamaha Amniga ay ku guulaysteen in ay soo afjaraan weerarka, islamarkaana hotelka Beach View dhexdiisa ku dileen dabley ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo gudaha ka dagaallamayay, halka ciidankana ay kaga dhaawacmeen laba askari oo markii danbe mid u geeriyooday dhaawacii.

Dhinaca kale, Af-hayeenka ayaa intaasi ku daray in Laamaha Amnigu fashiliyeen gaari qaraxyo ka buuxaan oo kooxaha Argagixisada ah doonayeen in ay ku qarxiyaan shacabka, balse laga hortagay laguna qabtay xubin ka tirsan Al-shabaab oo dhaawac ah.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay khasaaraha Weerarkii Xeebta Liido appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this