Sign in to follow this  
Jacaylbaro

DF oo Maxaabiis u gudbisey dowlada Ethiopia

Recommended Posts

DF oo Maxaabiis u gudbisey dowlada Ethiopia

7 Feb 7, 2007, 08:40

 

 

 

 

Maalinimadii shalay ayaa diyaarad Military oo ay leedahay dowlada Ethiopia waxa ay garoonka Muqdisho ay ka qaaday maxaabiis laga soo qabsaday Maxkamadihii Islaamiga.

 

 

 

Maxabiistaan ayaa la sheegay in loo dhoofiyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia si halkaasi ay su'aalo ku weydiiyaan saraakiil Mareykan ah oo Addis Ababa ku sugan.

 

 

 

Maxaabiistaan oo dhawaan DF ay gacanta u soo galisay dowlada Kenya ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen 11 Caruur ah, 11 Haween ah, 17 rag ah.

 

 

 

Cabdiqaadir Cabdi Cumar oo ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa saxaafada u sheegay in dadkaasi maxaabiista ah maalmihii ugu dambeeyay lagu hayay saldhig uusan shaacin oo ku yaal duleedka Muqdisho isla markaana shalay ay DF u gacan galisay sarakiil Mareykanka ah oo joogta Addis Ababa.

 

 

 

Cabdiqaadir ayaa sheegay in maxaabiistaa afar kamid ah ay yihiin Soomaali iyadoo inta kalena ay yihiin dad ajaanib ah oo dalal fara badan u kala dhashay.

 

 

 

Goob joogayaal ku sugnaa shalay garoonka Muqdisho ayaa sheegey in dadka la dhoofiyay ay ku jirtay xaaska iyo caruurta Fazul Cabdalla oo Mareykanka raadinayo.

 

 

 

Xiriir aan la sameynay saraakiisha dowlada Federaalka Somalia ayaa ka gaabsadey inay ka hadlaan arintaasi balse waxay sheegeen inay xaqiiq tahay in maxabiistaas Addis Ababa shalay loo dhoofiyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

The poor Makhtal camal waaye iyo masaakiin aanba dalkooda waxba ka galabsan, and the poor Reer Soomaali Aboow [Oromada].

 

Cawaanta Soomaali isku sheega ah waxaan geysanaayo maalin ayee ka shaleyn doonaan, ifka iyo aakhiraba midee ahaato.

 

qoorgooyn.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this