Jacaylbaro Posted February 7, 2007 DF oo Maxaabiis u gudbisey dowlada Ethiopia 7 Feb 7, 2007, 08:40 Maalinimadii shalay ayaa diyaarad Military oo ay leedahay dowlada Ethiopia waxa ay garoonka Muqdisho ay ka qaaday maxaabiis laga soo qabsaday Maxkamadihii Islaamiga. Maxabiistaan ayaa la sheegay in loo dhoofiyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia si halkaasi ay su'aalo ku weydiiyaan saraakiil Mareykan ah oo Addis Ababa ku sugan. Maxaabiistaan oo dhawaan DF ay gacanta u soo galisay dowlada Kenya ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen 11 Caruur ah, 11 Haween ah, 17 rag ah. Cabdiqaadir Cabdi Cumar oo ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa saxaafada u sheegay in dadkaasi maxaabiista ah maalmihii ugu dambeeyay lagu hayay saldhig uusan shaacin oo ku yaal duleedka Muqdisho isla markaana shalay ay DF u gacan galisay sarakiil Mareykanka ah oo joogta Addis Ababa. Cabdiqaadir ayaa sheegay in maxaabiistaa afar kamid ah ay yihiin Soomaali iyadoo inta kalena ay yihiin dad ajaanib ah oo dalal fara badan u kala dhashay. Goob joogayaal ku sugnaa shalay garoonka Muqdisho ayaa sheegey in dadka la dhoofiyay ay ku jirtay xaaska iyo caruurta Fazul Cabdalla oo Mareykanka raadinayo. Xiriir aan la sameynay saraakiisha dowlada Federaalka Somalia ayaa ka gaabsadey inay ka hadlaan arintaasi balse waxay sheegeen inay xaqiiq tahay in maxabiistaas Addis Ababa shalay loo dhoofiyay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 9, 2007 The poor Makhtal camal waaye iyo masaakiin aanba dalkooda waxba ka galabsan, and the poor Reer Soomaali Aboow [Oromada]. Cawaanta Soomaali isku sheega ah waxaan geysanaayo maalin ayee ka shaleyn doonaan, ifka iyo aakhiraba midee ahaato. Quote Share this post Link to post Share on other sites