Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta ay Kenya ula dagaallamayso shimbirkan caanka ka ah Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

08e0dbd0-5029-11ef-b2d2-cdb23d5d7c5b.jpg

Shimbiro shisheeye oo duullaan ah,” marka aad maqashid waxay kuula muuqanaysaa sheeko film Hollywood ah laga sameeyay laakiin dadka xeebaha Kenya deggan uma aha khiyaali oo waa u xaqiiqo.

Maamulka halkaasi ka arrimiya ayaa aad uga walaacsan dhibta ay abuureen tukayaasha Hindida ah ee deegaanka kusoo badanaya kuwaas oo tiradoodu soo badanayso. Qorshaha ayaa in la dilo hal milyan oo tuke ah iyadoo la adeegsanayo sun.

Tukayaasha ayaan bartilmaansanin bini’aadamka ilaa iyo hadda, laakiin shimbirahan ayaa muddo tobanaan sano ah sababayay khalkhal baahsan, iyagoo ugaarsanaya duurjoogta, sidoo kelana ku duullaya goobaha dalxiiska iyo beeraha digaagga.

Sun ayaa hadda laga isticmaalaa magaalooyinka Watamu iyo Malindi si loo dilo shimbirahan.

Ololahan sunta ah ayaa looga golleeyahay in lagu hakiyo faafitaanka ay shimbirahaan ku soo gaarayaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Shimbirahan, oo xeebta looga yaqaano magacyada “kunguru” ama “kurabu”, waxay ka soo jeedaan Hindiya iyo qaybaha kale ee Qaarada Aasiya.

Waxaa la rumaysan yahay in tukayaashan ay isaga kala gudbaan dalalka oo ku faafaan iyagoo sii fuula maraakiibta ganacsi ee isaga kala gooshaya qaaradaha.

Laakiin waxaa la rumaysan yahay in si ula kac ah loogu faafiyay Bariga Afrika qiyaastii 1890-meeyadii si wax looga qabto dhibaatada qashinka ee jasiiradaha Zanzibar, oo markaas ahayd maxmiyad Ingiriis ah.

tallaabadan walaac ka muujiyey gaar ahaan isticmaalka suntan

“Ku-sumowga tirada badan waa xal muddo gaaban ah oo aan ka hadlin sababta asaasiga ah ee dhibaatada,” ayuu yiri Leonard Onyango oo ah u doode arrimaha deegaanka ah.

Wuxuu intaa raaciyey inay jiri karaan habab kale oo ka sahlan oo looga hortagi karo taranka badan ee tukaha.

Laakiin kuwa ku lugta leh barnaamijka ayaa xoogga saaraya baahida loo qabo ilaalinta noocyada asalka ah iyo hubinta dheelitirka deegaanka.

“Haddii aynaan hadda waxba samayn, waxyeelladu waxay noqonaysaa mid aan laga soo kaban karin,” ayuu yidhi Mr Kirao, oo ku hawlan barnaamijkan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dowladdu bilowdo qorshayaal lagu xakameynayo noocyada shimbiraha ee duullaanka ah.

Marka laga soo tago goobaha qashinka ee ay tukayaashu wax ka quutaan, meelaha kale ee inta badan jecel yihiin waa goobaha huteelada ah ee loo dalxiis tago iyagoo mararka qaar carqalad galiyada dadka dalxiisayaasha ah markii loo keeno cunooyinka, mulkiiyasha ayaa tiro dhowr jeer ka cowday tukaha.

“Shimbirahan ayaa runtii dhib weyn ku haya martida soo booqata huteeladayada si ay ugu raaxaystaan cuntadooda meellaha kulaala xeebaha,” ayuu yiri Maureen Awuor, oo ah guddoomiyaha Ururka Kenya ee Hoteellada.

tuke

Hoteelada qaar ayaa khaati ka taagan tukaha iyagoo samaystay shaqaale kala eryo markay ku soo xoomaan, kuwaas oo waraf u adeegsada.

Tallaabadan lagu beegsanayo tukayaasha ayaa lagu sheegay mid waxtar leh, maadama tukuhu yihiin kuwo feejigan oo ay ka fogaaadaan meelaha ay ku arkaan in tuka kale ku dhimanayo.

Inkasto oo masuuliyiintu qorsheeyeen in la dhimo tirada tukaha haddana waxay dareemayaan inaysan jirin wax kale oo doorasho ah. Waxaa kale oo jira walaac laga qabo inuu ku fido gudaha dalka

Shimbiraha ayaa lagu arkay deegaanka Mtito Andei – oo qiyaastii 240km u jirta caasimadda Nairobi, sida ay sheegeen dadka la socda.

“Cabsida ugu weyn ayaa ah, haddii aan hadda waxba la qaban, tukuhu wuxuu gaari doonaa Nairobi, tani waxay khatar weyn ku noqon doontaa shimbiraha ku nool dalka, gaar ahaan beerta Qaranka ee Nairobi,” ayuu yiri Mr Kirao.

Tukaha ayaa ka mid ah shimbiraha ku nool dalal ku yaalla bariga Afrika, Soomaaliya ayaa ka mid dalalk uu tukuhu uu caanka ka yahay wallow sida daraasaduhu muujiyaan uu sii yaraanayo.

Tukaha, waxaa sidoo kale loo tiriyaa mid leh caqli badan, feejignaan dheeri ah iyo xeeladaysi gaara

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this