Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Ruushka iyo Maraykanka oo maxaabiis is waydaaraaday

Recommended Posts

Deeq A.   
  1. Putin oo maxaabiis la soo daayay ku soo dhaweeyay Moscow

    Madaxweyne Ruushka Vladimir Putin ayaa isna garoonka diyaaradaha ee magaalada Moscow, ku soo dhaweeyay maxaabiis u dhashay dalkiisa oo xabsiyada laga sii daayay kadib markii Ruushka iyo Reer galbeedku sameeyeen is waydaarsigii ugu ballaarnaa ee dhanka maxaabiista.

    Arrintaan ayaa ku timid wadahadallo muddo socday oo dowladda Turkigu ay door weyn ku laheed.

    Putin oo soo dhaweynaya maxaabiis

    Putin oo soo dhaweynaya maxaabiis
  2. Madaxweyne Biden oo soo dhaweeyay maxaabiis Ruushka laga sii daayay

    Biden oo soo dhaweynaya maxaabiis laga sii daayay Ruushka oo gaaray Mareykanka

    Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa u mahad celiyay xulafadiisa oo uu sheegay in ay sameeyeen shaqo adag oo ku aadan in la sii daayo maxaabiis ku xirnaa dalka Ruushka.

    Wuxuu sheegay in maalintaan ay muhiimad gaar ah u leedahay qoysaska ay dadkooda kala maqnaayeen, balse hadda dib u midoobaya.

    Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Mareykanka ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo ka degay diyaarad gaysay Mareykanka, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka madaxweyne Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris..

    Sidoo kale ehelada maxaabiista la sii dayay ayaa tubnaa garoonka si ay u soo dhaweeyaan xubnaha ka maqnaa ee hadda la sii daayay.

    Kamala Harris ayaa maalintaan ku tilmaantay maalin weyn oo farxadeed.

    Labada dhinac ayaa is dhaafsaday ilaa 24 maxbuus oo 16 ka mid ah ay reer galbeed yihiin, halka sideedda kalena ay Ruushka u dhasheen.

    bbcsomali

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this