Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xisbiyada Mucaaridka kukala aragti duwanaaday Xadhiga Masuuliyiinta ururka Qaran

Recommended Posts

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye Axmad maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa cambaareeyay Xadhiga lagu xidhay Masuuliyiinta Ururka Qaran waxaanu ku tilmaamay mid sharci darro ah , islamarkaana ay Xukuumaddu Cago juglayn iyo si aan sharci ahayn umartay Qabashadooda masuuliyiintaasi.

 

Sidoo kale Masuuliyiinta Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID Mr Faysal Cali waraabe ayaa sheegay inay Haboontahay cidii wax tabanaysa tii oo Dastuurku dhigayo inay siffo sharci ah umarto Tabashadeeda Cidaasi islamarkaana aan loo Baahnayn Buuq iyo Qaylo .

HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dareemadii Xisbiga Kulmiye iyo UCID ee ay shalay ka kala bixiyeen dhacdadii xabsiga loogu taxaabay madaxdii ururka Qaran

 

 

Xisbiga KULMIYE

 

Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa shir deg-dega oo uu ka yeeshay xadhiga Masuuliyiinta Ururka Qaran, ka dib waxa saxaafada la hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye md, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyo af hayeenka Xisbigaasi Maxamed Kaahin Ahmed.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa jawaabta uu ka bixiyay talaabada lagu xidhay Hogaanka Qaran ka mid ahaa oo uu yidhi“Masuuliyiinta Ururka Qaran ee Xabsiga loo taxaabay, Dr, Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid, waa arrin aad u fool-xun, qaranimada ku xun, sharciyada ku xun, siyaasada ku xun, waana mid u adeegaysa dagaal aynaan doonayn inaynu marno jidkaa, oo ah jidka cabudhinta, jidka caga-juglaynta iyo deminta geedi socodka dimuqraadiyada arrintaasi waxay noogu muuqatay oo aanu aad iyo aad u dhaleecaynaynaa inay tahay mid ina tusaysa in dalku qaaday, maamulkiisa maanta jiraa xad aad u cawaaqib xun. Sidaa daraadeed, waanu dhaleecaynaynaa xadhiga masuuliyiinta Ururka Qaran waxaan leeyahay masuuliyiintaa si bilaa shuruuda xoriyadooda ha loogu celiyo.”

 

Afhayeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa sidoo kale waxa uu xadhiga hogaanka Qaran ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin, “Horta runtii waa ayaan daro mudaba soo socotay, laakiin tan maanta lagu xidhiy Maxamed Xaashi Cilmi, Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Jamaal Caydiid, waa arrin hor leh iyo siyaasad hor leh iyo aragti cusub oo imaka mudooyinkanba Madaxweynuhu waday, oo ah talaabooyinkii ugu horeeyay ee lagu bur-burinayay Qarankan Somaliland. Sideedaba, markaynu taariikhda dib u milicsano, marka la eego dalweynihii Somaliya la odhan jiray ee aynu ka mid ahayn, markii Inqilaabku dhacay ee Maxamed Siyaad Bere iyo Ciidamadii uu hogaaminayay ay Inqilaabeen sharciyadii, distoorkii iyo qaranimadii Somaaliya, ee ay ku filaan wayday Ra’isal-wasaarihii markaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal baa ahaa, Golihiisii Wasiirada ee uu siyaasiyiintii caanka ahayd wada xidhay, ee intii kalana uu wada mastaafuriyay ee ay intaasi ku filaan wayday, waxa aynu aragnay oo talaabadii ku xigtay ay ahayd. Ganaraalkii Caynaanshe oo taliye ku-xeegeenadiisii ciidamada ahaa, Salaad Gabayle iyo Dheel ninkii la odhan jiray oo uu dilay. Tani maanta waxay markhaati furaysaa Daahir Riyaale oo Taliyihii nabad-sugida ee Berbera ahaa waxaa ku filaan wayday adiga oo Taliyihii nabad-sugida ahaa ayaa lagu doortay, waxa ku filaan wayday adigii baa Madaxweyne ku-xigeen lagaaga dhigay, waxaa ku filaan wayday adigaa lagu doortay oo laguu doortay Madaxweynihii Somaliland, waxa ku filaan wayday dhaqaalihii dalku adiguu jeebkaaga ku hoydaa, oo gacantaada ku urursada oo guryo ku dhista, waxaa ku filaan wayday adiga oo Madaxweyne ah baad Baarlamaankii halkaa iska dhigtay iyo shuruucdoodii, waxa ku filaan wayday sharcigii saxaafada madaxa-banaan inuu ku shaqeeyo. Waxa ku filaan waayay Komishanka Qaranka Xisbiyadaad kala mid tahay.

 

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, waxa weeye waxa uu madax ka yahay. Hal Gole, Golaha fulinta ah oo ka mid ah sadexda Gole,

 

Markaa Madaxweynaha Daahir Rayaale waxaan kula talinayaa, maanta Somaliland waxa dhexyaala, wallaalnimo, nabad gelyo, tolnimo, dimuquraadiyad iyo Inaynu tartano. Ha inagu celinin sidii murugii Somaaliya ay ku baaba’day. Taladayduna waxay tahay, Madaxweyne adigoo sharciyada eegaya, ummada ku dooratay eegaya, sidii codka laguu siiyay eegaya, distoorku xaqa uu ku siiyay eegaya. Dib uga noqo inaad muwaadin kale xaqiisa ku takrifasho. Arrinka Guurtida halka uu maraayo ayaynu ognahay, arrinka Qaran halka uu marayo ayaynu ognahay. Ka noqo,

 

UDUB waa koox siyaasiya oo damacle, Kulmiye waa koox damacle, UCID waa koox damacle, markaa maxaanu qoladayadan Asxaabtu u diidaynaa cid kaloo damaclihi inay dalka ka soo baxdo, waxaanu leenahay xaq bay u leeyihiin Qaran inay tartanada siyaasiga ah ka qayb-qaataan. Waxaan si toliimo leh, si saaxiibtinimo leh, si wadaninimo leh, kuula talinayaa. Adigana masiibo kulama soo darsin, Qarankana masiibo lama soo darsine, madaxdaad ku takrifashayna, maamuuskooda dib uga noqo, Qarankana dhibaato aan ina haysanin hay’noo horseedin, siyaasadeenuna ha ku salaysnaato, sidaynu doorashooyinkii ku soo galay, sidaynu shir beeleedyadii ku soo marnay, sidaynu wada tashiyadii ku soo marnay. Meel aan dhibi jirin yayanaan dhib ka raadinin, Illaahayna ha ku garan-siiyo.”

 

 

 

 

 

 

XISBIGA UCID OO MADAXDIISU KU SUGANTAHAY GOBOLKA TOGDHEER.

 

 

 

Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shalay socdaal ku tegay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Gudoomiyaha iyo Weftigiisu waxay booqdeen cisbitaalka iyo Xabsiga ee weyn Magaaladaasi, waxanu ugu deeqay 16 neef ah oo adhiya iyadoo ay deeqdaasi ka gudoomeen Taliyaha Ciidanka Asluubta Jaamac Dheeg iyo Agaasimaha Cistbitaalka Cabdiraxmaan Muruq-liqe.

 

Gudoomiyah Xisbiga UCID oo ka hadlay Munaasibadii gudoon-siinta deeqdaa ayaa u jeedada socdaalkiisa ku tilmaamay u kuur-gelida iyo xogo-gaal u noqoshada xaalada Gobolada, Gobolada kalena ay ku tegi doonaan, waxanu kula dardaarmay ka qeyb-galayaashii kulankaa adkeynta nabadgelyada iyo midnimada bulshada, waxanu ka warramay marxalada dalka, ururka Qaran, iyo arrimo kale.

 

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in muddada uu joogo Magaalada Burco uu kulamo la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana ay dhalinyarada u qaban doonaan Aqoon-is-weydaarsi (Work-Shop), kaasoo ujeedadiisu tahay sidii dhalinyarada loogu wacyigelin lahaa doorka ay ku leeyihiin bulshada, loogana digi lahaa mukhaadaraadka.

 

 

 

“Qofka wax tabanayaa waa in uu shuruucda dalka raaca, waana in uu garsoorka maraa, xadhigana Qarana waxa lala yaabo ma ah ee dawlada ayaa cadayn doonta waxa ay u cuskatay, xadhigan iyadan laga sugaya anaka [uCID] nooma taalo, cidkastan waa la xidhi kara Aniga, (Faysal), Siilaanyo iyo Madaxweynahaba, isga Madaxweynaha dhawr jeerba Imijmanti lagu soo oogay, Imbiijmantigu waa xadhig, oo haddii xilka laga qaado waa la xidhay madaxweynaha marka ma ah wax lala yaabo xadhigu" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey xadhiga madaxda ururka Qaran.

 

 

 

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray, oo uu yidhi:- “Waa in dadka laga leexin wadada saxda ah, ilaa iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay waxay ku aasaasantayt Nabadgelyada, waad ogtihiin 1992-kii waxa dhacay burbur iyo dagaalo maaha in aynu mar walba wax soo dhisno, dalka maamul ayaa ka jira, doorasho ayaa dhacday, cod [Vote] ayuu shacabku bixiyey, koox ayaanu guul ku soo hoynay, maamulkani wuu iska tegi doonaa, laakiin siyaasad iyo damaca kursiga danta dalka iyo dadka ayaa ka horeysa, xaqiiqda yaan la iska indha tiring”.

 

 

 

Gudoomiyaha oo ay safarkiisa ku weheliyeen Gudoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee xisbigaasi Aadan Mire Waqaf iyo masuuliyiin kale, waxa ay hore socdaal ugu soo mareen Gobolka Saaxil.

 

 

 

 

 

 

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

the irony of electing a "******" to get away from a ****** government for arresting politician only to have that "******" elect arrest politicians must be hard to swallow in hargeisa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Just to let you know that the path is very tough and one should be prepared for anything and everything.

 

Look at your uncle for example :D ...... it's been over 30yrs that he suffered from different punishments just to enjoy the calling PRESIDENT .... jailed by Siad Barre, then by Ethiopia ,, Fought, suffered, and everything.

 

It usually doesn't come with roses .....

 

It is just a normal process .......

Share this post


Link to post
Share on other sites

"normal", am afraid we have to disagree on that. further more, to boost about how democratic you are to the world and arrest people organizing politically should not seat well with reasonable people. I do agree with you that in africa, being a politician is not a rosy job but lets drop the we are the most democratic none sense. what amazes me is that Reyale has gotten so comfortible that he can seat in hargeisa and do that. run from las anod, arrest people in hargeisa, very intersting!

Share this post


Link to post
Share on other sites

We didn't say we are most dmocratic, THE WORLD said that so you better talk to them :D

 

 

I don't find QARAN a political party but yes those are arrested are politicians but they did wrong and warnings made by the government could not stop their actions.

 

Sometimes ARRESTING is the best lesson when the other options don't work. They won't be there too long though.

 

Democracy has limits ,,,,, not everybody can do qas iyo kharbudaad. Ask the experts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this