Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo sheegtay in ay dishay Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-f84f-08dcb225c78e_w40

Millatariga Israa’iil ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay bishi hore ku bartilmaameedsadeen batamaha Gaza ay ku dileen Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas.

Warkan ayaa imanaya maalin kaddib marki magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu khaarijiyay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismacil Haniyah.

Bayaan kasoo baxay millatariga Israa’il ayaa lagu sheegay in qiimeyn dhanka sirdoonka ah ay ku ogaadeen, in Maxamed Deyf uu ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Isra’il ka fuliyeen aagga magaalada Khan Younis 13-ki bishi July.

Isra’il waxay ku eedeysay Deyf in uu ahaa maskaxdi ka danbeysay weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Israa’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore. Weerarkaas oo ay Isra’il sheegtay in looga dilay ilaa 1,200 oo qof, sidoo kalana ay Xamaas ku soo afduubatay boqollaal kale oo Isra’iiliyiin ah.

Duqeynti ay Isra’il ku sheegtay in ay ku dishay sarkaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo sheegtay in ay dishay Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this