Sign in to follow this  
Deeq A.

Cirro run ayuu ka sheegay in aynu maanta reer Somaliland nahay SNM- wakhtigeedii dhamaaday 1991kii

Recommended Posts

Deeq A.   

Taad aragtaaba ta kale, waxa aan la yaabay masuuliyiin kavtarsan xukuumadda Muuse Biixi oo musharax xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku haysta sharaxaad uu ka bixiyay Somaliland.

SNM-wakhtigeedii uu dhamaaday shaqadeedii way qabsatay xiligeedii maanta waxa aynu nahay dal la yidhaa Somaliland oo dastuur leh oo shaqaynaaya miyaanay run ahayn? Maxaa musharax Cirro kagu xag xaganayaa.

Maanta xukuumadda Muuse Biixi waxa ka buuxa xubno aan waligood SNM soo noqon deegaan ahaan iyo halgan ahaanba dhamaan xukumaddahii Somaliland soo marayna dhamaantood sidaasi ayay ahaayeen

Badiba gudoomiyayaashii Barlamaanka Somaliland soo maray ma ay ahayn SNM- waxa ay xilka ku hayeen hadana ku hayaan Somaliland.
IMG-20240801-WA0003.jpg
Laba ka mid ahaa madaxweynayaashii soo mara Somaliland may ahayn SNM waxana ay xilka ku hayeen Somaliland oo ah ta uu maanta Cirro rabo in uu dadkihsa ugu shaqeeyo

Waxa aad arkaysaa nin xil qaran haya oo qabiil ku faanaaya ama doonaaya in lagu doorto qabiil.

Hadalka waxa aan ku soo koobayaa Cirro qalad ma galin ee dastuurka Somaliland ayuu ku taaganyahay ee ha lagu taageero.

SNM-intii ka hadhay ayaa maanta dayacan, waxa aan ku rajo weynahay in Cirro u dhasmi doono kuwa hada jooga ee faan uun ka dhigta SNM isga oo simaaya muwaadiniinta Somaliland oo uu raaci doona dastuurka dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this