Deeq A. Posted August 1 Oo adna ma waxaad kamid tahay kuwa ay weli iskaga khaldan yihiin Jabhad iyo Qaran? Mise waxaad kamid tahay kuwa lagu fahmay dhuumashada dhabarku muuqdo ee magaca SNM hore dadka ugu soo dhex dhuuntay maantana raba mar labaad? Mise waxaad tahay kuwa ka naxay markii lagu fahmay kaarto ciyaalka? Sxb, ma noo sheegi kartaa meesha SNM kaga qoran tahay Dastuurka Somaliland? SNM waa asaaskii lasoo noqoshada xorriyadda iyo madaxbannaanoda Somaliland. SNM sees ayay u tahay Somaliland. Guriga marka la dhiso sees ayaa laga bilaabaa, laakiin marka gurigu dhammaystirmo SEES looguma yeesho ee GURI baa la yidhaahdaa! Halgan kasta cid baa dhalisa, magaca halganka iyo maxsuulka halganku waa kala laba! Isma diidayaan SNM iyo Somaliland, laba marxaladood oo kala duwan. Hore ayaad Sool clan iyo East Sanaag Clan ugu weyday SNM aanay qayb ka ahayn oo aad sanka ka marmarisay oo qarannimadii iyo jabhaddii kala garan wayday. Maantana Gudabiirsi iyo Ciise iyo Gabooye iyo Akishe iyo Shiikhaal iyo ummad kale oo badan ayaa innagula yaaban waxan aynu is dhex wadno. Caqliga “Muusow Ciidanka Fasax” waa in laga dhaqaa Somaliland oo lagu culaa waddaniyad, qarannimo iyo wax wada lahaansho. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites