Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa sheegtay in sy aasaastay guddi gaar u ah qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay inay samaysay guddi hawleed heer wasaaradeed ah oo loo xilsaaray dedaallada aqoonsiga Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war ay Wasaaradda Arrimaha dibadda JSL ku baahisay Barteeda X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxana ay xaqiijisay inay Somaliland tallaabo muhiim ah u qaaday dhinaca aqoonsiga.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay xustay inay aasaastay guddi gaar u ah qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland oo heer Wasaaradeed ah, kuwaasi oo ka hawl-geli doona raadinta dedaallada iyo xeeladaha aqoonsiga.

Waxa kaloo ay intaas ku dartay in tallaabadani xidhiidh la leedahay hindiseyaasha socda ee xukuumadda oo uu ka mid yahay heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen 1dii bishii January 2024 ee ku wajahnaa saldhiga millatari ee badda ee Somaliland ka kiraynayso Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this