Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyay heshiis xasaasi ah iyo sharci cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-wasiirada-2024.jpg?fit=2048%2C136

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey wax ka beddelka sharciga maareynta qandaraasyada.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga arrimaha la-dagaallanka musuq-maasuqa ee u dhaxeeya hay’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Shirka golaha oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxa kale oo lagu ansixiyey istaraatiijiyadda qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay golaha u soo gudbisay xarunta qaran ee Tubsan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka.

Warbixinta ayaa si gaar ah loogu dul istaagay xasillinta iyo guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo maraya marxalad xasaasi ah.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka..

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

The post Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyay heshiis xasaasi ah iyo sharci cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this