Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay eedaysane loo haysto dil ka dhacay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1722484699661.jpg?resize=720%2C72

Ciidamada Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha Beesha eedaysanaha ayaa saaka gacanta ku dhigay Maxamed Abshir Muuse (Bootaan) oo ku eedaysan dilkii marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda bariga Afrika.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay saaka 6:00am subaxnimo gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Abshir Muuse islamarkaana lagu qabtay Degaanka Durduri.

“Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse”.

“Eedaysanaha ayaa gacanta lagusoodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay eedaysane loo haysto dil ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this