Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo maanta Xasaannada siiyay saddex xubnood oo ka tirsan guddiga doorashooyinka PEC

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240731_182714777.jpg?resize=100

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta xasaannada siiyay saddex xubnood oo kamid noqday guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.

Fadhigii maanta oo ay soo xaadireen 38 mudane ayay dhammaantood xasaannada siiyeen xubnahaasi PEC oo kala ah; Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq, Cabdirisaaq Muuse Maxamuud iyo Maxamed Cismaan Colaad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Qaraaje, oo ay weheliyeen labadiisa ku xigeen ayaa sheegay in dhammaan 38 mudane oo fadhiga xaadirtay ay ansixiyeen saddexda xubnood ee PEC, islamarkaana aysan jirin cid diidday ama ka aamustay.

Guddoomiye Cabdirisaaq Qaraaje ayaa sidoo kale sheegay in saddexda xubnood ee kamid noqday guddiga doorashooyinka PEC ay kala magacaabeen Baarlamanka iyo labada xisbi siyaasadeed ee Horseed iyo Mideeye.

Cabdinuur Shiikh Maxamed Isaaq, waxa magacaabay Baarlamanka Puntland, iyadoo Cabdirisaaq Muuse Maxamuud uu magacaabay xisbiga Mideeye, halka Maxamed Cismaan Colaad uu magacaabay xisbiga Horseed.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo maanta Xasaannada siiyay saddex xubnood oo ka tirsan guddiga doorashooyinka PEC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this