Sign in to follow this  
Deeq A.

Falcelin Ceynkee ah Ayey Dunidu Ka Bixisay Dilka Ismaciil Haniyah oo Iran Lagu Dilay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ayadoo saacado ka hor magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan lagu dilay madixii xaafiiska siyaasadda ururka xamaas Ismaaciil haniyah ayaa waxaa isi soo taraysa falcelinta dalalka caalamku dhacdadaas ka bixinayaan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh uu yahay dembi aan la aqbali karin gebi ahaanba, islamarkaana uu uga sii darayo xaaladda cakiran ee bariga dhexe, iyo xiisadda gobolkaas ka taagan.

” dhiigga geesiga halgamaaga ah ee Ismaaciil haniyah wuxuu keenayaa cawaaqib xumo aan weligeed laga waaqsan, waxayna sii adkaynaysaa xariirka xooggan ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Iiiraan iyo walaalaha wax is caabinta reer Falastiin” ayuu yiri masuul ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga xakaan faydaan ayaa asna sheegay in shirqoolka lagu dilay Ismaaciil haniyah uu dagaalka marinka Qasa u badali doono mid gobolkoo dhan ku faafa, islamarkaana xukuumadda Netanyahu aysan niyad u haynin wax nabad ah.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen ku sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh ay fal argagixisanimo oo dembi ah, islamarkaana uu la mid yahay ku tumasho iyo gantaal lagu dhiftay qaanuunka caalamiga ah ee dunida.

Dowladda Iiraan ayaa sidoo kale wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto khaarajinta hoggaamiyahan laf-dhabarka u ahaa halganka kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin ay kula jiraan gumeystaha Israa’iil ee gumaadka ba’an ka wada marinka Qasa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this