Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Iran oo si rasmi ah Israa’iil ugu eedaysay dilka Ismaaciil Haniyeh

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240731_135202023.jpg?resize=787

Dowladda Iran ayaa si rasmi ah ugu eedaysay Israa’iil in ay fulisay dilkii Ismaaciil Haniyeh ee ka dhacay dalkeeda, kaddib warsaxaafadeed ay soo saareen ilaalada kacaanka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray hoggaamiyaha sare ee Iran, Khamenei , waxaa lagu yiri; “Aargoosiga dhiigga Haniyeh waa mid ka mid ah waajibaadkeenna sababtoo ah dilku wuxuu ka dhacay dhulkeenna.”

Madaxwaynaha Iran Masoud Pezeshkian; “Iran waxa ay ilaalin doontaa madaxbanaanideeda dhuleed, sharafteeda iyo karaamadeeda, waxayna ka dhigi doontaa soo duulayaasha argagixisada inay ka shallaayaan falkan fulaynimada ah.”

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee horay ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas.

Ismaaciil Haniyah, oo ah hogaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-ki, wixi markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Iran oo si rasmi ah Israa’iil ugu eedaysay dilka Ismaaciil Haniyeh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this