Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumuu ahaa Ismaaciil Haniyeh hoggaamiyihii garabka siyaasadda Xamaas ee saaka la dilay?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1722407092322.jpg?resize=720%2C40

May 6, 2017, Xamaas oo ah dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee Falastiiniyiinta ee ka taliya marinka Qasa, ayaa Ismaaciil Cabdisalaan Axmed Haniyeh u doortay madaxa xafiisa siyaasadda, isagoo bedelay Khaalid Meshaal.

Haniyeh waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga Shaati ee Qasa, waxaana dhalay waalidiin kasoo qaxay magaalada Casqalan kadib markii la aasaasay dawlada Israa’iil sannadkii 1948-kii, waxa uu wax ku bartay machadka al-Azhar ee Qasa, kadibna waxa uu wax ka bartay jaamacada Islaamiga ah ee Qasa.

Intii uu jaamacadda dhiganayay 1983kii, waxa uu ku biiray ururka ardayda Islaamka, oo horudhac u ahaa dhismaha Xamaas.

Waxa uu koray Xamaas dhexdeeda isaga oo gacan-yaraha u ahaa aasaasihii Xamaas, Marxuum Shiikh Axmed Yaasiin.

Haniyeh ayaa marar badan xabsiga loo taxaabay, wuxuu ka baxay marinka Qasa ka dib markii uu la kulmay musaafurin iyo isku day dil.

Horraantii sannadkan, weerar ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qasa, waxay ku dishay saddex ka mid ah wiilashiisa.

PUNTLAND POST

The post Kumuu ahaa Ismaaciil Haniyeh hoggaamiyihii garabka siyaasadda Xamaas ee saaka la dilay? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this