Deeq A. Posted July 31 Hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniya ayaa lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran, sida ay Xamaas ku sheegtay warsaxaafadeed rasmi ah. Xamaas ayaa sheegtay in Haniyeh lagu dilay weerar ka dhacay dhismaha uu ka degganaa Tehran. Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijiyay in Haniyeh lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iran. Haniyeh ayaa shalay la kulmay hoggaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei iyo madaxweynaha Masoud Pezeshkian,halkaa oo uu kaga qeybgalay caleema-saarka Pezeshkian. Kumuu ahaa Ismail Haniyeh? May 6, 2017, Xamaas oo ah dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee Falastiiniyiinta ee ka taliya marinka Qasa, ayaa Ismail Abdulsalam Ahmed Haniyeh u doortay madaxa xafiisa siyaasadda, isagoo bedelay Khaled Meshaal. Haniyeh waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga Shaati ee Qasa, waxaana dhalay waalidiin kasoo qaxay magaalada Casqalan kadib markii la aasaasay dawlada Israa’iil sannadkii 1948-kii, waxa uu wax ku bartay machadka al-Azhar ee Qasa, kadibna waxa uu wax ka bartay jaamacada Islaamiga ah ee Qasa. Intii uu jaamacadda dhiganayay 1983kii, waxa uu ku biiray ururka ardayda Islaamka, oo horudhac u ahaa dhismaha Xamaas. Waxa uu koray Xamaas dhexdeeda isaga oo gacan-yaraha u ahaa aasaasihii Xamaas, Marxuum Sheekh Axmed Yaasiin. Haniyeh ayaa marar badan xabsiga loo taxaabay, wuxuu ka baxay marinka Qasa ka dib markii uu la kulmay musaafurin iyo isku day dil. Horraantii sannadkan, weerar ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qasa, waxay ku dishay saddex ka mid ah wiilashiisa. Alle ha ugu deeqo naxariistiisa Janno. Xafiiska Netanyahu, ayaa u diray wasiirrada iyo saraakiisha maamulkiisa inaysan wax faallo ah ka bixin dilka hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya, taa oo la macno ah inaysan Israa’iil sheegan doonin dilkan. Waa dabeecada Israa’iil ma sheegtaan dilalka halista ah. Source Share this post Link to post Share on other sites