Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Ku Saabsanaa Wadahadlka Teleefoonka ay Yeesheen Madaxweyne Xasan iyo Dhiggiisa Erdogan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal qadka telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan, iyagoo ka wadahadalay arrimo dhowr ah.

Labada Madaxweyne ayaa hadalkooda waxaa diiradda lagu saaray  sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca iyo hirgelinta heshiiskii labada dhinac ay gaareen.

Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed xilli ay taagan tahay xoosadda gobolka.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in dowladdiisa ay siiwadi doono taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee soo gabagabeynta dagaalka Al-shabaab oo dowladdu ay ku jirto muddo dheer Turkiga ayaa taageero dhanka circa ah siiya ciidanka.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa kusoo aadaya xilli dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay wada galeen heshiis dhanka difaaca ah, kaas oo labada Baarlamaan ee dalalku ay ansixiyeen lana sugayo in dhowaan la hirgeyo, Turkiga ayaa dowladda siyaabo kale duwan u taageera.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this