Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 24 Qof oo Ku Geeriyootay Dhul Go’ Ka Dhacay Dalka Hindiya iyo Gurmad Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay, halka boqolaal kalena laga cabsi qabo inay ku xayiran yihiin dhul go’ay ka dib markii roobab aan kala joogsi lahayn ay ku da’een deegaan buuraley ah oo ku yaalla gobolka Kerala ee koonfurta dalka Hindiya.

Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in dhul go’a uu ku dhuftay agagaarka deegaanada Meppadi iyo Chooralmala ee degmada Wayanad abaaro 2-dii subaxnimo ee Talaadada , waxaana dadaallada samata bixinta caqabad ku noqday roobab xooggan oo halkaas weli ka socda.

“Illaa hadda waxaan helnay 24 meyd oo isbitaalo kala duwan ah, qaar badan oo ku dhaawacmay, waxaa lagu daweynayaa isbitaallada degmada” ayay raacisay yiri
wasiirka caafimaadka ee gobolka Kerala Reena George oo la hadlaysay wakaaladda wararka ee Press Trust.

In ka badan 200 oo askari ayaa la geeyey aaggaas, waxaana gurmad ahaan loo diyaariyey labo diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka Hindiya, ayadoo laga cabsi qabo in khasaaraha dhimashadu sii kordho maadaama boqolaal qof looga shakisan yahay inay ku go’doonsanyihiin goobta uu dhul go’u ka dhacay.

Masuuliyiin ay soo xigteen qaar kamida wargeysyada Hindiya ayaa sheegay in guryo badan, dukaamo, iyo gaadiid ay dhoobada iyo biyuhu qarqiyeen oo dusha ka mareen, islamarkaana ay adagtahay in aaggaas gurmad wx ku ool ah laga sameeyo maadaama ay roobab mahiigaanno ahi weli socdaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this