Sign in to follow this  
Deeq A.

19 qof oo ku dhintay shil doon oo ka dhacay dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 19 qof ayaa la xaqiijiyay in dhinteen kaddib marki ay dooni ay la socdeen ku degtay webi ku yaalla gobolka Amxaarada ee Waqooyiga Itoobiya, sidaasi waxaa xaqiijisay warbaahinta gobolka ee AMC.

Doonta ayaa rakaab kasoo qaadday deegaannada ku hareereysan webiga Tekeze ee mara xadka Itoobiya iyo Eritrea kuna dhamaada gudaha dalka Sudan. Saraakiisha ayaa sheegay in wadday ugu yaraan 26 qof.

Warbaahinta Gobolka Amxaarada ee loo soo gaabiyo AMC ayaa ku warrantay in la helay meydadka laba qof.

Gobolka Amxaarada oo ah kan labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, ayaa waxaa sannadihi dhawaa ka jiray colaad sokeeye oo u dhaxeysa millatariga Itoobiya iyo malleeshiyaadka qowmiyadda Amxaarada ee loo yaqaanno Fano.

PUNTLAND POST

The post 19 qof oo ku dhintay shil doon oo ka dhacay dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this