Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray haan weyn oo ka soo caariday xeebta Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1722226683960-1.jpg?resize=720%2CHaanta ka soo caariday xeebta Ilfoocshe

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniin ka soo saaray khatarta haan weyn oo ka soo caariday xeebaha Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayay digniin kaga bixiyeen haanta oo aan weli la aqoonsan waxa ku jira islamarkaana ka soo caariday xeebta degaanka Ilfoocshe oo ka tirsan degmada Jariiban.

Taliska Booliska Mudug ayaa ugu baaqay dadweynaha degaannadaasi in ay ka fogaadaan haanta oo noqon karta mid sun ka buuxdo ama qarax samayn karta inkastoo aan weli baaritaan lagu samayn waxa ku jira gudaheeda.

“Shacabka ku dhaqan deegaanada ilfooxshe iyo deegaanada dhaca xeebaha Gobolka mudug ayaa loogu baaqayaa inay ka fogaadaan haamaha noocaas ah kuwaasi oo ah haamo sun ah oo mararka qaarna qarax wayn ka dhalan karo kasoo saameyn kara dad iyo duunyaba” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

PUNTLAND POST

The post Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray haan weyn oo ka soo caariday xeebta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this