Deeq A. Posted July 29, 2024 Macallimiinta (CSI) waxa aan Mushahar la siin 3 Bilood ? Mac’hadka Shaqaalaha Dawladdu waxa uu ku jiraa kaalin weyn Tayo ahaan & Aqoon ahaanba, Ardaydu dhigataa ku dhawaad waa 500 Arday oo kala ah Shaqaale Dawladeed & Arday aan Shaqaale ahayn, qiyaas ahaan Ardayda aan Shaqaale Dawladeed ahayni waa 40% waxa laga qaadaa Semester-kii Ardayga $200 sida Jaamcadaha gaarka ah, 2 Bilood ee kasta waxa Arday kastaa bixiyaa $10 oo ah Buuggaagta Waxbarashada, Mac’hadku wuxuu soo xereeyaa Lacag Adag sida Jaamcadaha gaarka ah. Miisaaniyadda waxa ugu jira Mac’hadka ($167,946) waxa aan la siin Macallimiinta Mushahar 3 bilood, Agaasimaha Fulintu waa Madaxa u sarreeya Mac’hadka Maamul ahaan & Maarayn ahaanba, Maadamaa Arday la maamulaayo & goob Waxbarasho waxa Habboon in Agaasimuhu sidii Agaasimayaashii ka horreeyay ka dhawrsado dhexgalka Siyaasadda & Xisbiga KULMIYE kuna eekaado Mac’hadka Horumarintiisa, Xidhiidhintiisa Dunida & Ilaalinta Tayada Waxbarasho ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) Qaran News Share this post Link to post Share on other sites