Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo War Kasoo Saaray Burburin Lagu Sameeyay Dhulka Ku Yaalla Boondheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan oo shir saxaafadeed u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in burbutinta lagu sameeyay dhulkii Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ay timid ka dib markii digniintii dadkaas loo diray ay dhammaatay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in laga soo billaabo 2018-kii dadka dhulkaas deggan loo dirayay wargelinno is daba-joog ah oo lagu farayo inay halkaas ka guuraan maadaama qaranka loogu adeegayo sida uu sheegay, balse mudadii loo qabtay inay aaggaas ku banneeyaan la dhaafay.

Wuxuu intaa ku daray inay dadku garowsadeen inay goobtaas iskood uga guuraan, ayagoo maanka ku haya muhiimadda ay qaranka u leedahay, iyo adeegyada dadweynaha loogu qaban doono, wuxuuna u mahadceliyay qoyaskii halkaas mudda ku noolaa iyo waxgaradkooda.

Dhulkan oo ku yaalla degmada Boondheere, gaar ahaan agagaarka jubba ayaa taniyo burburkii dalka deegaan u ahaa dad danyar ah, balse saaka aroornimadii hore ayay ciiddamada Booliska iyo kuwa Hay’adda Nabad-sugiddu howl-gelin burburin ah ka billaabeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this